advertisements

Musliminta gobolka Minnesota oo taageeray mar kale Congressman Keith Ellison.

fiogf49gjkf0d


Brooklyn Center, MN (HOL) - Xaflad ka dhacday Magaalda Brooklyn Center ee Gobolka Minnesota ayaa Muslimiinta gobolkan waxey taageero cod iyo dhaqaalaba u fidiyeen congressman Keith Ellison oo laga soo doorto Deegaanka Shanaad (5th District).

 

Xafladan oo aheyd casho-sharaf yaa waxaa soo qabanqaabiyey Muslim Coalition for Keith ujeedadoona ahayd isku xirka iyo mideynta codadka dadka muslimka ah ee ku dhaqan gobolka Minnesota sida uu sheegay Majdi Wahdi oo ku hadlayey magaca Muslimiinta taageerta Keith Ellison.  Mr. wahdi waxa kale uu sheegay sanadkii 2006-da ahaa sanad taariikhi ah ka gadaal guushii Mr. Ellison uu ku guuleystay kursigiisa Congress-ka kana dhigtay Muslimkii ugu horeeyey oo ka mid noqda golaha sharci dajinta congress-ka wadankan Mareykanka.

 

Congressman Keith Ellison waxaa ku wehliyey xafladan xubno sare oo ka mid ah Xisbiga Democrats-ka uu ka mid yahay Al Franken, Al Franken yaa ka mid ah musharaxiinta xisbigan ee u tartamay kursiga senator Norm Coleman dabayaaqda sandkan, Al Franken oo ka hadlay xafladan yaa sheegey in Cong. Keith Ellison uusan matalin Deegaanka Shenaad (5th district) oo kali ah laakiin uu matalo bulshada Muslimiinta ah ee gobolkan.

 

 

Congressman Keith Ellison ayaa ka hadlay baahida loo qabo in bulshada  Muslimka ah midoobaan kana shaqeeyaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen siyaasada wadankan mareykanka, “waxaa jira dad badan oo muslim ah oo leh maskax iyo tayo ay ku bedelaan siiyaasada wadankan, waa in aad fahantaan kana qeyb qaadataan” Waxa kale uu raaciyey “Awooda mareykanka ee laga cabsado waa in loo badalo awood nabadeed, taasna waxaa lagu gaari karaa codkiina”

 

 

Shaqsiyaadkii ka hadlay xafladan waxaa ka mid ahaa Sheikh Abdisalam Aadan –Imam Somaliyeed, Ruby Amatulla-Gacacsato muslim ah, Mohamed Diini-Imam Somaliyeed. Iyo Nahad Awad-madaxa Counsil on American-Islamic Relations (CAIR).

 

Ugu danbeytii, xilagan oo lagu jiro u dayaar-garowga doorashooyinka kama danbeysta ah ee dabayaaqada sandkan ayaa musharax walbaa waxa uu isku dayayaa in uu helo codka ugu badan. Dhanka Minnesota Somalida iyo guud ahaan muslimiiinta ayaa ah kuwa codkooda ay daba joogaan musharaxiinta gobolka.

 

Ahmed Farah “Jahweyn", Hiiraan Online
[email protected]