advertisements

Shir Hurumarinta gobolada dhexe ee Soomaaliya

fiogf49gjkf0d



Jimco, Luulyo 18, 2008

 

Minneapolis,  MN (HOL)- Shir ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen wufuud ka kala socota Mareykanka iyo Kanada ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis, gobolka Minnesota ee alka Mareykanka.  Shirkaan oo la qabtay horaantii bishan Luulyo  ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Ururka Horumarinta Gobollada Dhexe (Central Somalia Development Organization) oo fadhigiisu yahay Magaalada Columbus, Ohio.

 

Guddoomiyaha ururka, Cabdulqaadir Cali Cabdi, ayaa qeexay guud ahaan baahida loo qabo waqtigan xaadirka in shacabka Soomaaliyeed wax loo qabto.  Wuxuu guddomiyuhu si gooni ah u tusaaleeyey xaaladda ka jirta gobolka Hiiraan oo mareysa meel xasaasi ah, shacabkuna ay soo foodsaareen dhibaatooyin aad u fara badan oo isugu jira colaado, abaaro, iyo dhaqaale xumo.

 

Waxaa sidoo kale tusaaleyn bixiyey guddoomiye-ku-xigeenka Ururka, Cabdirizak Cabdi Xuseen (Xaaji) oo si qiiro leh uga hadlay waxqabadka loo baahanyahay.

 

 

Qodobada looga dooday shirka waxaa ka mid ahaa xaaladaha nabadgelyo, waxbarasho, iyo dhaqaale  oo ay ku suganyihiin gobollada dhexe.

 

Waxaa sidoo kale warbixin kooban gudbiyey wakiil ka socda Jaamacadda Hiiraan oo tafatiray xaaladda jaamacadda meesha ay mareyso isagoo ka jawaabay su’aalo badan oo la xiriira dhismaha jaamacadda.

 

Waxaa shirka lagu naqtiimay xeerka – hoosaadka ururka oo lagu ansixiyey gogosha shirka.

 

Ugu dambeynta wufuudda shirka ka soo qeybgashay waxey soo saareen baaqayada ku qoran: 

 

·         Waxaan cambaareyneynaa dhamaan falalka dilka ah ee loo geysanayo dadka Waxgaradka ah, aqoonyahanadda, xoogsatadda, iyo dadka rayidka ah.

·         Waa in ay dadweyenaha ku nool gobollada dhexe loo oggolaado in ay dhistaan maamul ka madaxbanaan garbaha is haya, kana shaqeeyaan danta shacabka ku nool gobolladaas.

·         In siyaasadda Gobolka Hiiraan loo daayo shacabka reer Hiiraan iyo oday dhaqameedka, si ay u soo doortaan maamul goboleed ay shacabku ka raalli yahay. 

 

·         Waxaan si gaar ah ugu dhiiri galineynaa odayaasha iyo guurtada reer Hiiraan in aysan marnaba aqbalin shakhsiyaad dibadda looga soo magacaabayo, oo ay marnaba oggolaan maamul aysan raali ka aheeyn.

 

·         In la sameeyo ciidan ka madax banaan dhinacyadda ku dagaalamaya siyaasadda gobolka.

 

·         In Dawladda Federalka joojiso faragelinta ay ku hayso maamul goboleedka oo ay xaq u leeyihiin shacabka in ay iyagu doortaan cidda ay doonaan.

 

·         In Maamul loo dhanyahay loo sameeyo Gobolka.

 

·         In gacan la siiyo odey dhaqameedyada, si ay u daadihiyaan siyaasadda gobolka.

 

·         In xubnaha ku jira Baarlamaanka ku meel gaarka ah ay ka hadlaan, kana dhiidhiyaan arimaha foosha xun ee ay Itoobiyaanka iyo maxaakiinta/Alshabaab ku hayaan shacabka gobollada dhexe. Isla markaana ay ku booriyaan Dawladda ku meel gaarka ah in ay faraha kala baxdo arimaha u gaarka ah shacabka.

 

Casho sharaf ayaa loo sameeyey wufuuddi ka soo qeybgashay shirka ka dib markii la soo gabagabeeyey shirka oo ku ballamay in la howl galo.

 

Waxaa warbixintaan noo soo diray

Cabdulqaadir Khaliif Dirie oo ka qayb galay Shirkaas
E-mail: [email protected]