fiogf49gjkf0d

Hiiraan Online
Centennial Park Stadium
July 13, 2008
Kooxda kubadda cagta ee Cardiff ee dalka Ingriiska ayaa labo (2) iyo eber (0) kaga guuleystay kooxda Wembley ee isla dalka Ingriiska cayaartii kama dambeysta (final)ka ee koobka SOSCA oo sannadkiiba mar lagu qabto magaalada Toronot ee dalka Canada.
Cayaartan oo ay soo qabanqaabiyeen ururka SOSCA ayaa waxaa guud ahaan ka soo qayb galay kooxo gaaray ilaa iyo 16 kooxood oo ka kala yimid Waqooyiga America iyo Yurub.
Cayaartan kama dambeysta ah ayaa xiisa gaar ah yeelatay qaybtii dambe ka dib markii kooxda Cardiff ay dhaliyeen guulkii ugu horeeyey. Kooxda Wembley oo runtii aad u cayaar wanaagsaa ayaa iska dhumeyey dhowr fursadood oo ay guulal ku dhalin kareen. Laakin wuxuu niyad jab ku dhacay markii laga dhaliyey guulkii labaad cayaartiin ay ku soo gabagabowday 2:1.

Waxaa xusid mudan cayaartoyga YUSUF oo numberka 4aad difaaca uga ciyaarayey kooxda Wembley oo laysku raacay in uu ahaa cayaartooyga ugu cayaar wanaagsanaa. YUSUF oo 16 jir ah ayaa mustaqal wanaagsan ku yeelan kara haddii uu sii wada cayaartan kubadda cagta. Guddiga cayaaraha ee SOSCA ayaa YUSUF u gartay in yahay ciyaartoygii ugu difaac wanaagsanaa. Waxaa sidoo ugu guul dhalis badnaa ADAN oo number 9aad uga ciyaarayey koocda Cardiff.
Cayaarahan Sannadkaan ayaa waxaa marti ku ahaa macalin Bashir Cabdi Daahir oo deggan dalka Finland kana mid ah dadka sida aadka ah ugu ololeeya horumarinta cayaaraha Soomaaliaa.
Garoonka Ester Shiner Stadium ayaa waxaa isna halkaas ka dhacayey tartanka kubadda cagta ah oo ay soo qabanqaabiyeen ururka TODAY. Kooxdii ku cayaareysay magaca Banaadir ee magaaladan Toronto ayaa 3 iyo 1 kaga guuleystay kooxda LONDON STARS. Inkasta oo aysan Hiiraan Online goobjoog ka ahayn cayaarihii ka dhacay garoonkaas, haddane waxaa la soo tabiyey in ay halkaas ka dhacday cayaar xiisa leh oo ay dad badane ka soo qaybgaleen. Waa Sannadkii seddexaad oo laba garoon lagu kala qabanyo cayaaraha kubadda cagta ee sannad waliba lagu qabto magaalada Toronto ee dalka Canada.

 |
| Heshiis ay wada saxiixeen ururada TODAY iyo SOSCA. |
Dadweynaha reer Toronto oo xiiseey sportiga ayaa walaac ka muujiyey khilaafkan u dhexeeya labadan urur ee SOSCA iyo TODAY oo laga yaabo mustaqbalka in ay hakad galiyaan cayaarahan xiisaha badan oo looga yimaado adduunka oo dhan gaar ahaan waqooyiga America .
Odayaal ay ka midyihiin Macalim Bashir Cabdi Daahir, Maxamud Xasan Qolof, Liban Gabeyre, Macalin Duke, Macalin Muuse iyo Cumar Ganjab ayaa isku dayey in dhexdhexaadiyaan labada urur laakin weey ku guuldareysteen ka dib markii ay cagajiid kala kulmeen ururka TODAY. Bashir Cabdi Daahir oo u waramayey Hiiraan Online ayaa rajo ka qaba in ay labada urur heshiiyaan maadaam ay labad ururba ay saxiixeen heshiis laysugu soo dhaweeynayo. Ilaa iyo hadda warbixin kama hayno qodobada lagu heshiiyey.

Odayaasha magaalada Toronto ayaa waxaa la gudboon in ay khilaafkan soo afjaraan si ay u ilaaliyaan midnimada iyo wadjirka jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Toronto. Waxay waliba arrintaan kala kaashin karaan xafiiska Duqa magaalada Toronto Mr. David Miller oo marar badan muujiyey sida uu u jecel yahay horumarka jaaliyadda Soomaaliyeed ee Toronto.