Hiiraan Online
Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)
Tuesday, December 30, 2008
Kampala, Uganda (HOL) - Xulka Qaranka K/cagta Soomaaliya ayaa shalay galab soo gaaray magaalamada Kampala ee waranka Uganda oo 31-ka bishan December ay ka billlaabanayaan ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Africa ee CECAFA Senior Challenge Cup.

|
ISKU AADKA KOOXAHA
GROUP - A- GROUP -B - |
Wafdiga iyo ciyaartooyda oo uu hoggaaminayay guddoomiye ku xigeenka xiriirka SOomaaliyeed ee K/cagta Axmed-Nuur Xasan Cabdulle ayaa loo soo galbiyay Hotelka Mandella Sports Hotel oo 10-km u jira bartamaha magaaladda Kampala, hase ahaatee ay ku qanciywaayey saraakiisha Xulka in ay degaan Hotelkaas, iyagoo ka cabanayay in Hotelka uusan laheyn Air-condition iyo marawada midkood, waxaana jira xoogaa kuleyl ah oo ka jira magaaladda Kampala.

Xilli badan ayay qaadatay in la xalliyo dhibaatada ay ka cabanayaan ciyaartooyda, waxaana yimid dhammmaan Madaxda Xiriirka Bariga iyo Bartamaha Africa ee CECAFA ee uu hoogaaminayo guddoomiyahooda Tenga oo u dhashay wadanka Tanzania, Nicholas Musonye oo ah xoghayaha CECAFA iyo C/qani Siciid Carab oo ah guddoomiyaha tartanka CECAFA ee sanadkan, iyagoo kormee iyo tijaabo kaddib codsaday in ciyaartooydu ay Hotelka degaan, kaddibna ay xallin doonaan dhibaatooyinkaas, waxaana diidmada degitaanka Hotelka ku wehliyay Xulka Zanzibar oo ay Somalia isku qeyb yihiin.
"Ujeedo aan uga eexaneyno ciyaartooda Somalia iyo kuwa Zanzibar ma jirto, dhammaan xulalka CECAFA waa isku xag, noomana kala wanaagsana, runtiina, Somalia xulkeedu wuxuu naga mudan yahay tixgalin xoog leh, waayo waa xulka kaliya ee aan weligiis ka maqnaan ciyaaraha CECAFA, sidaas oo kale CECAFA horumarkeeda waxaa sabab u ahaa Allaaha u naxariistee Farah Sendiko, in badan ayaana idin xushmeyney" sidaas waxaa ciyaartooyda iyo maamulkooda ku qanciyayay guddoomiyhaha XIriirka K/cagta ee CECAFA Loedger Tenga, waxaana markii dambe Maamulka farsamada e xulka qaranka Yaxye Aayoow uu aqbalay codsiga guddoomiyaha.

Xulka Somalia ayaa muddo 3-bilood ah tababar ku sameynayay wadanka Jabuti, waxaana xulkeenu uu Group-ka A kula jiraa wadamada Zanzibar, Tanznia, Rwanda iyo wadanka ciyaaraha martigalinaya ee Uganda, waxaana ciyaarta furitaanka ay ciyaartooyda Somalia la ciyaari doonaan wadanka Zanzibar , waxaana ciyaartaaas maalinta Khamiista ah ee 1-da January ka dhici doontaa garoonka Qaranka ee Namboole Stadium.
Sandkan waxaa xulka Somalia u ciyaaraya ugu yaraan 8-ciyaaryahahan oo uu ku jiro weeraryahanka xulka Qaranka Ciise Midnimo oo ah ciyaaryahan professional ah, kana yimid wadanka Norway, waxaana tababahaha xulla Macallin Geela uu sheegay in sanadkan ay guulo xoog leh ka soo hoynayaan ciyaarahaan, waxaana wareys aan la kala yeelanayan Macallin iyo qaar ka mid ah ciyaartooyda qaranka aad uga bogan doontaan qormooyin ka kale ee soo socda.
Wadanka Suudaan oo sandkii hore tartanka CECAFA Tenga ku guuleystay ayaa koobka ku soo wareejiyay guddoomiyaha CECAFA markii ay ka soo degeeen garoonka DIYaaraha, waxaana Tenga uu isna faraha ka saaray xoghayaha guddiga qaban qaabada tartankan Moses Magogo, waxaana koobkaas la guddoon siin doonaa xulka ku guuleysta tartankan.
Nicolas Musonye oo ah Xoghayaha guud ee CECAFA ayaa ii sheegay in TV-ga caalamiga ah ee G Sports uu iibsaday ciyaaraha sanadkan, isagoo bixin doona half million Dollars, waa 500, 000, (Shan Boqol oo kun oo dollar) waxaana xulkii koobka ku guuleystaahi uu qaadan doonaa lacag gaareysa US Dollar 30,000 (Sodon kun oo dollar), kaalinta 2-aad 20,000 iyo kaalinta 3-aad oo qaadaneysa 10,000, iyadoo dhinaca kale kulamada ugu dambeeya tartankan si toos ah looga daawan doono Television-ka G Sports 1 iyo 2.
Dhinaca kale shir ballaan oo ay isugu yimaadeen dhammaan xubnaha Xiriirka CECAFA iyo masuuliyiinta xiriirada qaranka ee Bariga iyo Bartamaha Africa ayaa ka dhacay hotelka Equatorial ee magaaladda Kampala, waxanaa shirkaas intii uu socday lagu doortay in wadanka Kenya uu marti galiyo ciyaaraha CECAFA ee 2009, waxaana Xoghayaha xiriirka K/cagta ee wadanka Kenya OBINGO Sammy Joel, isla markiiba uu sheegay in ciyaarahaas ay qabanayaan inta u dhexeysa 21-ka November ilaa 20-ka December.

Qodob dood dheer dhaliyay ayaa jiray, kaas oo ahaa in luuqadaha Xirirka K/cagta ee Bariga iyo Bartamaha Africa lagu soo kordhiyo luuqadda Kiswahili, oo ay ku hadlaan dhowr wadan oo kala ah Kenya, Uganda, Tanznia iyo Rwanda, hase ahaatee xoghayaha xiriirka K/cagta wadanka Sudan Magdi Shamsu-diin ayaa isla markiiba ka dhiidhiyay, wuxuna Yiri "haddii aad dooneysaan in luuqadaas lagu soo daro luuqadaha CECAFA waa in aad macallimiin noo soo dirtaan si ay noo baraan luuqadda"
Somalia, Jabuti, Eritrea iyo Sudaan ayaa iyaguna wacad ku maray in haddii Sawaaxiliga ajandihiisa mar kale la soo celiyo in ay soo bandhigayaan in Luuqadda Carabiga lagu soo daro luuqadaha CECAFA, waxaana qodbada 5, 6, 7, ee dastuurka CECAFA ku qoran in luuqada rasmiga ah ee CECAFA ay tahay Ingiriiska.
Shirkan waxaa Somalia uga qeyb galay guddomiye ku xigeenka xiriirka Axmed Nuur iyo Xoghaye C/qani Carab, waxaana dhammaan xubnihii shirkaas ka qey galay ay ugu baaqeen ciyaartooyda iyo taageerayaasha in ay muujiyaan ciyaar wanaag, taageero wanaan iyo dul qaad intaba.
Ciyaarta furitaanka ah ee tartankan ayaa berri 31-ka December ka dhici doonta garoonka Jinja City ee magaaladda Jinja, waxayna dhex mareysaa wadamada Jabuti iyo Zambia, waxaana mar aan maanta wareysi gaaban la yeeshay xoghayaha guud ee xiriirka K/cagta ee wadanka Jabuti Hassan Kamil uu ii sheegay in xulkiisu uu muddo dheer isku soo diyaarinayay ciyaarahan, hase ahaatee ay cabsiga ka qabaan in xulka Zambia uu ka adkaado, waayo wuxuu yiri "Zambia waa wadan taariikh wanaagsan ku leh K/cagta, waxana dhici karta in ay naga farsamo wanaagsanaadaan, madaama ay wadan ahaan heli karaan shirkado iyo shaqsiyaad K/cagta u heelan oo taageerooyin dhaqaale siiya"
Labada wadanka ee deriska ah ee Ethiopia iyo Eritrea ayaa ka maqan sanadkan ciyaaraha CECAFA, Ethiopia xulkeeda waa laga ganaaxay dhammaan dhaq dhaqaaqyada K/cagta, kaddib markii xiriirka K/cagta ee wadankaas ay ka soo cusboonaadeen is qab-qabsi u dhexeeya masuuliyiinta xiriirka iyo musuq-maasuq la xiriirka dhaqaalaha xiriirka oo si qaldan ay u isticmaaleen, halka xulka Eritrea uu ciyaarahan uga maqan yahay sababbo la xiriira cabsi laga qabo in ciyaartooydooda ay fakadaan markii ay Uganda yimaadaan, waayo wadanka Eritrea ayaa ah wadan ku jira gacan military oo aan ogoleyn in dhalinyaradu ay banaanka u safraan, waxaana maqnaanshaha Eritrea ka fiideysatay xulka wadanka Zambia oo buuxiyay booskii Eritrea, waxaana Zambia ay ku qeybtahay xulalka Suudaan oo koobka difaacaneysa, Kenya, Jabuti, iyo Burundi.
Ugu dambeyntiina qarsooraha Soomaaliyeed C/qaadir Xasan Xeyle oo ka mid ah 6-da garsoore ee tartanka dhex dhexaadinaya ayaa ku guuleystay tijaabada caafimaadka iyo tibaabada kale ee Cooper test ee ah fiyoobida jir ahaaneed, waxaana Xeyle uu ka mid noqday garsoorayaasha aadayaa magaaladda Jinja ee dhex dhexaadinaya ciyaaraha qeybta B.
Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)
Kampala, Uganda
Email [email protected]
Mobile: +256 774228112