advertisements

Tartankii kubadda Cagta ee Dhallaanka Soomaaliyeed ee Canada

fiogf49gjkf0d


Hiiraan Online
Jimci, Agoosto22, 2008

Waxa caasimada dalka Canada ee Ottawa dhawaan lagu soo gebo gebeeyay tartan ciyaaraha kubada cagta ah oo dhex marey dhalaan isaga kala yimi magaalooyinka Ottawa iyo Toronto. Tartankan ayaa ah mid sanad walba mar la qabto. Waxa sanadkan isku herdiyay ciyaarahan todobo kooxood.

 

Ciyarahan oo ay isku soo dubarideen hawlwadeena ka hawgala xarunta adega qoysaska somaliyeed ee Ottawa (Somali Centre for Family Services) iyaga oo kaashanaya walidiinta iyo wax garad waqtigooda u huray in ay dhalaanka somaliyeed  helaan xiliga xagaaga ee fasaxyada lagu jiro mararoow caafimaad ku dheehan yahay.

 

Ciyaarahan dhexmaray todobada kooxood ayaa waxa ay bilawdeen aroonimadii August 16 waxa ayna soo gebageboobeen isla fiidnimadii maalintaasi. Ciyaaraha ay isaga hor imanayeen da’ayartan soomaliyeed ayaa waxa loo qeybiyay laba qeybood oo ku saleysan da’dooda. Labadan qeyboodba waxa guulo ka soo hooyay koxihii magaalada Toronto oo sanadkan ciyaaro wacdaro leh oo ay reer Ottawa oo aan qudhooda liidani u babacdhigi waayeen.

 

 

Ciyaarihii kama danbeysta ahaa dabadood waxa halkaa qabanqaabiyeyaashii iyo waalidka ciyaartooyda ay ku gudoonsiiyeen reer Toronto abalmarino isugu jiray koobab iyo hadiyado kale oo a dhalaanku aad ugu qushuuceen.

 

 

Cayaartooydii reer Ottawa ayaa ayagana  abaalmarino  halkaa ku muteysteen. Waxa hadalo koo kooban halkaa ka jediyay abuukar shiino oo ah ciyaaryahan kubada kolayga ku caan baxay, xiliyadii sideedtamaadkiina qeyb lexaad leh ka geystey guulo ay kooxdi Muqdisho ee heerka koowaad iyo kooxdii xulka qaranka somaliyeed ay soo hooyeen. Abuukar waxa uu u mahad celiyay walidiinta ubadaka iyo dhamaan intii waqtigoda u hurtey isku dubaridka iyo suurto kelinta ciyaarahan, sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay faaiidooyinka dahsoon iyo kuwa muuqda ee sportigu u leeyahay ubadka soo koraya.

 

Yusuf cabdi oo ka socda xarunta adeegyada qoysaska somaliyeed ee Ottawa ayaa isna halkaa hadal kooban uu ka jeediyay waxa uu ku dhiiri geliyay waalidaka iyo ubadkooda in aanay ka daalin tartamada noocan oo kale ah isla markana ku booriyay goob jogayaashii in tartanka sanadaha soo socda kor loo qado, si dhalaan aad u badan oo Canada ku nooli ay uga faaiideystaan iyaguna ay wax qabadkooda sidaa ku muujiyaan. Taas oo markii danbana si wada jir ha loogu balamay.