advertisements

Minneapolis: Kaalinta Soomaalida Qurbaha oo Laga Shiray

Soomaalida qurbaha joogta ee labada milyan lagu qiyaasay waxeey saameyn weyn ku yeelan karaan nabad ku soo dabaalidda dalkooda hooyo, iyagoo isticmaalaya awooddooda xagga dhaqaalaha iyo midda bulshada, sidaas waxaa yiri Jabriil Cabdulle, oo agaasime ka ah hay’adda Cilmi Baarista iyo Wadahadalka ee saldhiggeedu Muqdisho yahay.

 

Isagoo Isniintii la hadlaya hoggaamiyayaasha jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayuu Jabriil sheegay in Soomaalida qurbuhu ay iminkaba door wax ku ool ah ka ciyaaraan arrimaha dalka, laakiin loo baahan yahay dadaal midaysan si saamayn aayo leh loo yeesho.

 

“Haddii aad $1.5 billion oo dollar aad sanadkiiba u xawishaan dalka, iyo haddii ay 20% kamid ah xubanaha Dowladda Federaalkau (DFKMG) ay yihiin kuwa qurbaha ka soo noqday, waxaad leedihiin saamayn la taaban karo,” ayuu yiri, isagoo ka soo qayb galayaasha la hadlaya. “Waxeey ila tahay inaad fursaddaas ka faa’iideysataan.”

 

Jabriil waxaa socdaalkan ku weheliyey Max’ed Bashiir oo ah sarkaal sare oo ka tirsan hay’adda CARE Somalia/South Sudan, waxeyna labada nin socod ku marayaan Yurub iyo Waqooyiga America, si ay ugu kuur galaan howlaha ay Soomaalida qurbuhu ka wadaan gudaha dalka, kadibna warbixin ugu gudbiyaan beesha caalamka.

 

Bashiir wuxuu sheegay inuu aad ula yaabay kaalinta aan muuqan, balse qaraha weyn ee ay jaaliyadaha qurbuhu ku leeyihiin dalka.

 

“Waxaa la soo gaaray wakhtigii aad is-muujin laheydeen,” ayuu yiri. “Waa inaad dadaalkiina habaysaan.”

 

‘Barakaca Aqoonyahanka’

 

Inta badan dadkii aqoonta lahaa weey isaga huleeleen dalka—walina waa isaga sii socdaan xasaradaha aan dhamaanayn—ayuu yiri Jabriil. Sidaas darteed, isbeddel weyn ayaa ku dhacay buslahda wixii ka dambeeyey dagaalladii 1991.

 

“Sidaas awgeed ayaan u aaminsanahay inuu xiriir toos ah ka dhaxeeyo xasaradaha jira iyo barakaca aqoonyahanka,” ayuu yiri Jibriil. “Dadkii wax ka qaban lahaa dhibaatada, ama waa barakaceen ama waa la dilay—waa wax laga noxo.”

 

Iyadoo uu sidaas xaalku yahay ayeey haddana Soomaalida qurbuhu dhiseen jaamacado, isbitaallo iyo shirkado isgaarsiin oo waaweyn, ayuu yiri Jabriil.

 

‘Wada shaqayn la’aan’

 

Arrimaha walaaca badan ku haya Bashiir iyo Jabriil ayaa waxaa kamid ah wada shaqayn la’aanta ka dhex jirta jaaliyadaha dibadda iyo hay’adaha caalamiga ah, dhanka horumarka. Bashiir wuxuu sheegay in hay’aduhu ay macquul tahay ineey gacan ka gaystaan howlaha horumarka, laakiin waa ineey marka hore helaan ballan qaadyo.

 

“Hay’adaha deeqaha bixiyaa weey ka caga jiidaan ineey taageero dhaqaale bixiyaan iyadoo aan ballan qaadyo la helin,” ayuu yiri Bashiir.

 

Laakiin waxaa jira dhibaato kale oo ah in Soomaalida qurbuhu ay sugayaan in kuwa gudaha joogaayi ay u xasiliyaan dalka, kuwa gudaha joogaayina ay sugayaan in kuwa qurbuhu ay gacan ka gaystaan nabadda iyo dibu dhiska.

 

“Marka waxaa jira is eegasho: Qolaba qolade kale ayeey ka sugaysaa ineey tallaabada hore qaado,” ayuu yiri Jabriil. “Xaqiiqda marka laga hadlo, jaaliyadaha qurbaha ayeey tahay ineey tallaabada hore qaadaan.”

 

Inta eeysan ku laaban Geeska Africa, Bashiir iyo Jabriil waxeey shirar noocan oo kale ah ku qaban doonaan Washington iyo Toronto.