Qore: Abulkadir Ibrahim
Saturday, October 13, 2007
|
Cabdisalaam wuxuu saftay seddex ciyarood, oo uu dhamaystay min 90kii daqiiqaba. Cabdisalaam waxay wada ciyaareen dalalka kala ah
Daqiiqado yar ka dib ayuu garsoorihii dhexdhexaadinayey halkaasi ku afuufay seerigii ama firimbigii. Isla markiiba kooxdii iyo macallamiintii waxay ku soo wada yaaceen Xiddigga Cabdisalaam Caddaay iyagoo ugu hambalyeynaya goolkii guusha. Websideka www.garoonka.com ayaa wuxuu waraysi gaaban la yeeshay ciyaartaasi ka dib sida uu u arko guusha ay gaareen xulkiisa qaranka ee dalka
Cabdisalaam Cabdulqadir Caddaay wuxuu ku jawaabay xulkayga qaranka waxaan kala qayb galay ilaa iyo 12 ciyaarood oo heer caalami ah, ciyaartanna waxay ahayd ciyaartii iigu farxadda badnayd, sabatoo ah marka hore goolka aan dhaliyey maanta wuxuu ii ahaa goolkii iigu horeeyey ee aan u dhaliyo xulkayga, taasi waxaa ii sii dheer in maanta xulkayga qaranka ee dalka Norway ay u soo gudbeen isreebreebka ciyaraha Yurub ee sanadka 2008da, sababna ay u noqoto goolkii aan dhaliyey maanta.Shaqaalaha webside-ka garoonka.com waxay hambalyo u dirayaan xiddigga cusub ee ciyaarta kubadda cagta Abdislaam Abdulqaadir Caddaay, waxaan mar labaad leenahay Hambalyo, halkaasi ka si wad guushaada.Akhristayaal wixii kale oo faahfaahin ah ee ku saabsan Cabdisalaam Caddaay waxaad ka akhrisan doontaan webside-ka www.garoonka.com. [email protected] This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it www.garoonka.com
