|
Waxaa Oktoobar 10 keeda Gobolkaan |
Soomaalida ku nool Gobolkan Ontario waxaan ku wargalineynaa in si buuxda uga wada soo qaybgalaan doorashada dhicidoonta bishan Octoobar 10keeda. Codbixinta Sannadkaan waxaa la socda wax loo yaqaan "REFRENDUM" amaba "KALA DOORASHO" oo dadka lagu weydiinayo isbedel lagu sameynayo habka loo qabto doorasha Gobolkan Ontario. Oktoobar 10 keeda marka aad tagto meelaha codbixinta laga dhiibanayo waxaa lagu siin doonaa warqad kale oo aad ku dooranaysid isbedelka habka codbixinta
Waa habkii qaabka loo soo dooranyo xubnaha baarlamaanka Gobolka Ontrario?
- Midka hadda lagu dhaqmo oo ah (qofka hela codka ugu badan ayaa guuleystay)
- Habka kale ee codbixinta ee kii hore ka duwan oo ay soo jeediyeen golaha bulshada ee looxilsaaray (Mixed Member Proportional) ==>>> U CODEEY HABKA CUSUB
|
Habka doorashada hadda lagu dhaqmo |
Habka cusub ee la soo jeediyey waa mid ka tarjumaya rabitaanka shacabka |
|
Gobolkan Ontario wax uu ka kuuban yahay 107 doorashada degmooyinka. Degmo kasta waxay xaq u leedahay hal cod oo ay ku doorato musharaxa uga qaygalayo golaha baarlamaanka. Hal Cod. Hal xubin.
Marka ay doorashada dammaato, xisbiga hela codadka ugu badan ee doorashada degmooyinka ayaa la weydiisanayaa in uu soo dhiso dowladda. |
Nidaamka cusub ee dadka la weydiindoona codbixinta sannadkan ee lagu magacaabo "Mixed Member Proportional". Waa hab isku keenaya kii horay u jiray iyo mid ku dheehan saamiga xubnaha matalaya.
Sideebuu u shaqeeyaa nidaamka "Mixed Member Proportional"? Qaybta 1aad
Haddii nidaamkan la ogolaado, gobolkan Ontario wuxuu yeelandoonaa laba qaybood oo la soo doorto. Mid deegaanka iyo mid xisbiga ah.
Xubnaha baarlamaanka wuxuu lahaandoonaa 129 kursi. Xubnaha deegaanka waxay buuxindoonaa 90 kursi inta soo hartay oo ah 39 waxaa buuxindoona xubnaha xisbiga "List members".
Xisbiga hela kuraasta ugu badan ayaa markaas soo dhisidoona dowladda gobolka Ontario
Sidee lagu soo dooran doonaa "Local Members" iyo " List Members" Qaybta 2aad
Xaafad kasto, hal cod ayeey u isticmaaleystaa in ay ku soo doorato "Local Member" sidii markii horeba loo soo dooran jiray. Musharaxa ugu codbata ayaa ku guuleysanaya xaafadaas.
Codbixinta kale waa xisbiga . Dadka waxaa la weydiinayaa xisbiga uu dooranayo. Xisbiga ugu cod bata xaafadaas ayaana ku guuleysanya "List Member"ka. Markaa ku darista xildhibaano ku soo baxay codka la siiyey xisbiga wuxuu habkaan cusub ee doorashada siinayaa xukun ka tarjumaaya rabitaanka dadka wax soo doortay. |
|
Oktoobar 10 keeda u codeey dimoqoraadiyada. U codeey MMP oo ah habka cusub ee doorashada. √ Dooro MMP |