advertisements

Sports: Manchester City iyo Xiriirka Soomaalida

Cumar Getemasay - Xiddiga ku soo kordhay Ciyaartooyida kubadda Cagata


Sunday, May 27, 2007
 

Cumar iyo hooyadis Sirad Cabdi - Sawirka weyneyso

Kooxda Manchester City oo ka mid ah kooxaha waaweyn ee ka dhisan dalka England ayaa xiriirka ay la leedahay jaalliyadda Sooomaalida ee qurbaha maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhaya. Xiriirkan wanaagsan wuxuu bilawday ka dib markii wiilka Somalida ah ee dhalashadiisu tahay Norweji, Abdisalaam Abdulkadir Caddaay ay iibsadeen kooxdan City.
 
 
Kooxdan Manchester waxay ciyaaro tijaabooyin ah u furtay caruurta da`dooda u dhaxaysa 6jir ilaa iyo 10jir ee deggan magaalada Manchester. Waxayna ka heleen ilaa iyo 6 ciyaartoy oo tayo wanaagsan leh.
Waxaa kaloo intaasi u dheerayd wiilka kale ee somalida ee uu dhalay ciyaaryahanka weyn ee Horseed SHEEGOW Ahmed Sheegow oo bilihii aan soo dhaafnay kontract la saxiixday isagoo 13jir ah.
 
Waa tii bishii hore lagu soo qoray webside-yada sportiga OGEYSIIS ay baafinayso Ururka weyn ee Somali Sport and Youth Development ee ka dhisan dalka Norway in ay imanayaan wakiilo ka socda kooxda Manchester ayna daawan doonaan ciyaartoyda KA CIYAARA DALKA Norway ee da`da yar.
 
Waxaa nala soo xiriiray waaladdiin fara badan iyo ciyaartoy fara badan ee ku kala nool dalka Norway, Denmark, Masar, South Africa, Germany, Sweden, Finland iyo England, ayuu yiri Guddoomiyaha Ururka Somali Sport and Youth Development(SOSYD), Abdulkadir Ibrahim Caddaay. Waxaan suurta gal ahayn in la tijaabiyo ciyaartoy ka baxsan waddamada Yurub, inta badan badan waaladdiinta iyo ciyaartoyda nala soo xiriiray waxay u badnaayeen ciyaartoy da`dooda ka weyn 18jir, manchester City.na waxay baadigoobaysay ciyaartoy da`dooda ay tahay 15jir, 14jir, 13jir iyo wax la mid ah si ay ugu biiraan MANCHESTER CITY ACADEMY ayuu hadalkiisa sii raaciyey guddoomiyaha SOSYD  ee dalka Norway.
 

Tababaraha Cumar iyo Siraad Cabdi -
Sawirka weyneyso

Nasiib wanaag 26ka bishan May ayaa waxaa yimid wakiilka Manchester u qaabilsan ciyaaryahanada tayada leh ee dibadaha la keenayo. Abdulkadir Caddaay oo si Part-time ah ugu shaqeeya Manchester City Baadi goobka(Scouts) ciyaartoyda ayaa u diyaariyey ciyaartoy fara badan ee Somaliyeed. Markii la fiiriyey oo la tijaabiyey ciyaartoydii ayaa nasiib wanaag waxay aad uga heleen wiilka somaliga ah ee magaciisa la yiraahdo Cumar Getemasay. Cumar wuxuu u ciyaaraa kooxda LYN ee ka dhisan dalka Norway magaaladiisa Oslo.
Omar oo dhashay sandka markuu ahaa 1992dii ayaa wiiggii hore waxaa loo magacaabay xulka Gobolka Oslo, waa meeshii uu ka soo bilaabay Cabdisalaam Caddaay ilaa uu uga biira xulka qaranka..
 
Omar oo dhashay sandka markuu ahaa 1992dii ayaa wiiggii hore waxaa loo magacaabay xulka Gobolka Oslo, waa meeshii uu ka soo bilaabay Cabdisalaam Caddaay ilaa uu uga biira xulka qaranka..
 
Cabdisalam Caddaay
Cumar shalay wuxuu nasiib u yeeshay in uu noqdo ciyaaryahanka keliyah ee laga qaato dalka Norway. Cumar wuxuu ciyaar tijaabo ah tegi doonaa bisha July ee foodda inagu soo haysa.
 
Cumar wuxuu la nool yahay hooyadiisa Siraad Cabdi oo mar walba ku dhiiri gelisa sportiga wiilkeeda, una raacda ama ku taageerta meel kasta uu cumar ku ciyaarayo.
 
Cumar iyo hooyadiisa Siraad Cabdi waxay heshiis  la galeen wakiilka (Agent)gii  Abdisalaam Caddaay ee Frank Hansen.
 
Waxaan u rajaynaynaa Cumar Getemasay in uu noqdo wiilka mustaqbal ee Soomaalida.
 
Waxaa warbixintaaan noo soo diray  Ururka SOSYD: