VANCOUVER, CANADA
Vancouver, Canada - Jan 19, 2007 - Bannaabax ballaaran oo ay ka soo qayb galeen qowmiyadaha Soomaali iyo Itoobiya ayaa ka dhacay magaalada Vancouver ee dalka Canada.
Bannaanbaxaas ayeed dadkii ka soo qayb galay ku muujiyeen sida ay uga xun yihiin siyaasadda kaligii taliyaha Mele Zenawi.
Waxayna ka codsadeen dowladda Canada in ay ku cadaadiso in Ra'iisul Wasaare Mele Zenawi deg-deg ciidamadiisa kala soo boxo waddanka Soomaaliya.
Halkaas hoose ka daawo sawiradii laga soo qaaday bannaanbaxaas. (Halkaan ka aqriso)
Ottawa, Canada
Bannaabax looga soo horjeedo joogitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya aya maalintii Arbacada ahayd Bisha Jan 3, 2007 ka dhacay magaalada Ottawa ee dalka Canada. Bannaabaxaas oo ka kala dhacay Seddex goobood oo kala ah Baarlamaanka dalka Canada iyo Safaaradaha Itoobiya iyo Mareykanka. Baarlamaanka dalka Canada oo ahayd goobtii uu bannaabax ka bilaawday ay dadkii halkaas isugu soo baxay ay ku dhawaaqayey ereyo ay kaga soo horjeedaan joogitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya.
Boliska magaalada Ottawa oo ay daba socdaan dadkii halkaas ku bannaabaxayey ayaa waxay ka dib u soo dareereen Safaaradda Itoobiya ay ku leedahay dalka Canada halkaas oo ay bannaabax ka hor sameeyeen.
"Zenawi Down", "Ethiopia Army get out of Somalia" ayaa ka mid ereyadii ay ku dhawaaqyeen dadkii halkaas ku bannaanbaxayey.