Waxay aheyd maali ciid ah, guud ahaan dadku wuxuu wada faraxsanaa, la iskugu hambalyeynaya faraxadda maalinta ciidul adxaa, waxaa ka muuqatay astaanta Maalintan oo kale, magaaladda Kampla ee caasimadda wadanka Uganda maanta waa ka duwneyd maalhii ka horeeyay, dhinaca cimilda, waayo qoraxada ayaa ka qaboobeyd sidii laga finayay oo ma aysan kuleyl badneyn, si fiican ayaa dadka Somalida ah ee degan Kampala u ciideen, qof kataahi wuxuu qofka kale ugu hambalyeynayay, isagoo xabadka xabadka u saaray {hugging} erayo qaarkood duco ahaayeen ay ka mid ahaayeen “Ciid wanaagsan, Ilaahey ciidan ciideeda kale Nolol wanaagsan iyo kheyr farabadan iyo wadankeena oo Nabad ah ha nagu gaarsiiyo”.
Masaajidka TOWXIID ee degmada Kisenyi ee SOmalidu ka degto Magaaladda Kampala ayaan ku soo tukanay labadii ragco ee salaada ciida abbaarihii 8:00 ee subaxnimo, waxaana dada Somaliyeed ee Kampala degan ama ku nool oo lagu qiyaasay 10,000 ay soo cammireen Masaajidka barxadda dambe, madaama ay haboon tahay in ciidaha lagu tukado meel bannan ah oo aan kor ka dedneyn, wixii ka horeeyay salaadda waxaa dadku ku raaxeysanayeen qadista takbiirka ciida iyadoo ay xusuus mudan tahay in Muslimiin badan ay maalintii shalay aheyd ay wada Soomanaayeen maalinta Sunnada ah ee Xujeydu taagan yihiin Banka Carrafo.
Markii labadii ragco salaadda ciida la tukaday ma jirin dad badan oo ka istaagay goobta ay ku tukadeen, waayo waxaa qof kastaahi diyaar u ahaa inuu dhageysto khudbadda ka dambeysa salaadda oo runtii aad u macaneyd maanta, waxaana khudbadda oo uu aqriyay Imaamka Masaajidka Towiid ee Somalida Sheekh C/weli ay aheyd mid aad loogu riyaaqay isagoo uga hadlay dhowr qodob oo ay ugu mihiimsanaayeen 4 arrimood oo kala ahaa:- Ciidul Adxaa, Islanimada, Carruurta, iyo Waqtiga, waxaana sheikh C/weli oo qodob qodob uga hadlayay arrimahaas ku bilaabay:-
- In maalintan oo kale ay tahay maalin aad u qiimo badan, isla markaana Ciidul Adxaa ay tahay Sunno Mu’akada ah oo laga soo gaaray Nabi Ibrahim, waxaana camal la qabto kan ugu kheyrka badan maaliinta Ciidul Adxaa uu yahay in xoolo la qalo oo dhagta dhhiga loo daro neefaf ari ah, waxaana sheekhu uu qodob kasta ku saleynayay axaadiis iyo aayado qur’aan ah oo ku soo arooray.
- in qofka Islaanimada ku dhashay uu dareemo inuu Muslin yahay, isla markaana uu ogaado inuu ka gedisan yahay dadka aan diinta la heyn ama qofgal ah, loogana baahan yahay inuu ILAAHEY ka cabsado oo uu fartoomo wixii ILAAHEY faray, sidaas oo kale uu ka haro wixii ILAHEY ka reebay, lagana doonayo qofka Islaamka ah inuu camal kasta oo uu qabanayo ku saleeyo Amarka RABBI, xusuustana in ay jiri doonto maalin Ilaahey uu la xisaabtamayo.
- In carruurta lagu tarabiyeeyo Diinta iyo dhaqanka Islaamka, isla markaana la geeyo School Islaami ah, si ay uga bartaan Diinta iyo Islaanimada, asuubtooduna ay u hagaagto, waalidkana laga doonayo in ay owlaadooda ku tarabiyeeyaan Diinta iyo Islaanimada “haddii cunugu markii uu yar yahay la geeyo School gaalo, markii uu xoogaa soo koro hadana la geeyo Koleej, markii uu 20-sano ku dhowyahay la geeyo hadana Jaamacad ka fog wax diin Islaam ah, suurto gal ma tahay in laga dhaadhacsiiyo Diinta Islaamka oo la fahansiiyo, maya waa adagtahay, waa khaaaro lagama soo kabtaan ah arrinkaas, sidaas daraadeed wanaaga iyo dardaaranku wuxuu yahay in Ilmahaaga aad kula dadaasho waxbarashada Islaamiga ah iyo luuqada Carabiga, laga soo billaabo da’da 7, waa in lagu taranbiyeeyaa laguna dilaa Salaadda iyo diinta, ” ayuu yiri Sheekh C/weli oo axaadiis ku soo aroortay la cuskaday qodobkaas carruurta iyo tarabiyadooda.
- qodob kale oo muhiim ah oo ku saabsanaa Waqtiga ayuu Sheekhu ka hadlay, wuxuuna yiri “Waqtigu waa seef, haddii aadan goyn {ka faa’iideysan} isaga ayaa ku goynaya, ma ahan in maalaayacni lagu lumiyo waqtiga qaliga ah, ogoow in waqtigu uu yahay hantidaada gaarka ah, haddii aadan ilaashana ay tahay arrin khasaaro kugu ah, waxaad arkeys dad leh meel heblaayo ayaan waqtiga ku soo dhuminayaa, waa dambi in waqtiga micno darro lagu dhumiyo, waxaa imaan doonta maalin lagu weydiinay waqtigaas aad micno darraada ku lumisay, tusaale ahaan waqtiyada ku luma meelaha fadhi ku dirirka waa qasaaro hantidaada waqtiga ka go’day oo lagu su’aali doono maalinta xisaabta, sidaas oo kale waqtiga dhalin yarada ama qof kastaahi uu ku lumiyo ciyaaraha, sida Arsenal, Manchester United iyo kooxo kale oo la mid ah waa qasaaro ku ceyrteyneysa, waxaa haboon in maadaama aad tahay qof muslim ah aad waqtigaaga uga faa’iideysato cibaada Ilaahey, waxba kaa dhibi meyso in aad waqtigaaga ku cibaadeysato oo aad Masaajidka ku lumiso, adiga ayayna kuu fiican tahay”.
Guud ahaan maanta Ciida aawadeed Farxaddu waa badney, xoolo ayaa la qashay, sifiican ayay SOmalida Uganda uu ciideen, Carrurta oo si fiican loogu soo labisay waxay ku ciyaarayeen qalbkooda Toys, waloow sidii Somalia oo kale aysan jirin Bastooladihii dhawaaqa xabada lahaa ee ay ku ciyaari jireen, haddan buufinta, nac-naca, gawaarida, jallaatada iyo xeyn-xeyn u socodka wuxuu ahaa astaantooda goonida ah.
Wadanka Uganda guud maagala kasta oo ku taal waa laga ciiday, waayo Muslimiinta wadankan u dhalatay waxaa lagu qiyaasaa 40%, mana jirto magaalo iyo qobol aysan joogin
W/D:- Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)
Kampala, Uganda
Email:- [email protected]