By Abdirahman Haji Dheere
Gumeestayaasha sidii ugu hirgeli lahayd gumeeysinimadooda waa ineey istecmaalaan falsafada kala qeebinta si loo isticmaarsado umadaasi.Aanu tusaalo yar aan ka soo qaadano dhacdooyinka waqtigani xaadirka ah ka socda Soomaaliya,waa lagu soo duuley inta aan lagu soo duulin waa lawada qeebiyey qolaba magac ayaa loo yeeley ayadoo kala daadsan ayaa askarigii addis ababa toos uga soo baxa ayaa wuxuu si nabad gelyo ah ku soo galayaa caasimada Soomaaliya Mugdishu.
Ka waran aqristoow xuduuda markeey hal talaabo u soo dhaafaan xabad wadnaha loogu dhufan lahaa, ma kuula tahay ineey soo geli la haayeeyn caasimada somaliya? waa maya taasi wexeey ku noqotey markii umada lakala qeeb qeebiyey oo loo bixiyey magacyo mid kastaba lagana dhaadhiciyey midka kale inuu cadawgiisi yahay.Laakiin dadkaasi lakala qeebinaya kuma xisaabtamaan kan wax gumeesanayaa inuusan kala jecleeyn qoladaaad tahay Jini ama Insi,haduu ku soo dhaweeyo maanta oo aad moodo inuu heer sare kaa dhigey beritana surka ayuu kaa gooynayaa.Gumeesiga dadka u gumeesto ma kala jecla,wuxuu jecelyahay kan uu dan tiisa ku jirto haduu kaa waayana kuma yaqaan.Maanta soomaaliya marxaladii ugu xumeeyd oo kala qeebinta ah ayeey joogtaa,xataa waxaa wareeray odayaashii dhaqamada talooyinka iyo tusaalooyinka laga qaadan la haa.
In la yiraahdo waxaa shir yeeshey odayaashii beelaha qabiil heblaayo iyo wax garadka qabiil Jini ama qabiil Insi.Wexeeyna ka hadlayaan gumeesiga dalka soogaley oo shacbiga gumaadayaa.Nasiib daro maanta waxaad moodaa odayaashii iyo wax garadyadii in caqliga wax garashada laga xayuubiyey,soomaaliya waxaa ku soo duuley gumeeysi ciidankiisi aad u tirabadan welina quwada maanta aduunka ugu xooga weeyn xaga melitari ama dhaqaalaba iyo siyaasadba garabtaagan oo ah Ameerikaanka iyo xulufadiisi.
Odayaasheenina iyo wax garadyadii shirkoodi uu noqdey waxaa shir isku yimid qabiil heblaayo,waa nasiib daro maanta cadawgii muslimiinta oo isa soo beheestey oo dusha naga saaran wax garadyadii iyo odayaashiiba iyaguna qabiil ku galgalanayaa.Taariikhda laguma sheegin lagumana arag qabiil gumeesiga ka atkaaday ee dalkiisa ka xoreeystey,waa dhici kartaa hal qabiil ama laba qabiil ineey gumeesiga u noqdaan daba dhilifyaal laakiin inta badan waa ineey meel uga soo wada jeestaan Sida caadada ah beni aadamiga intoodi badan ma jecla duluga iyo gumeesiga.
Sidaasi awgeed odayaasha iyo wax garadka soomaaliyeed waa ineey iska dhaafaan odayaashii qabiil heblaayo ayaa kulmey,taasi waxaa ka wanaagsan in la yiraahdo: ODAYAASHII IYO WAXGARADYADII SOOMAALIYEED AYAA SHIR YEESHEY.
Waxaan xasuustaa dagaalkii todabaatameeyadii itoobiyaanka iyo soomaalida dhex naray
Askar itoobiyaan la soo qabtey qaar ka mid ah ayaa waxaa la keeney raadiyo muqdishu.
Si ay saaxiibadooda ugu sheegaan ineeysan dagaalamin ee iyaguna is dhiibaan
Agaasimihii cidaacada wuxuu amar ku bixiyey itoobiyaanka ineeysan la dhix gilin gudaha cidaacada qolalka wararka laga tabiyo ee wararka loogaga duubo dhanka kele ee xafiisyada ah
waxaa loogu diidey gudaha arimo basaasnimo ah nasiib daro maanta waxaa la soo dejiyey itoobiyanka madaxtooyada wasaarada gaashan dhiga iyo meelo qaranka mu hiim u ah.
Odayaasha iyo waxgarad yada soomaaliyeed ha ogaadaan gacmo wada jir beey wax ku gooyaan iska daaya qabiil heblaayo somaalida badi a haanteeda ma jecla gumeeysi inta daba dhilifyada ahna waa qaar yar oo dhuuni raac ah marka mar kastaba inta badan ee xaq u dirirka ah baa guusha ku danbeeysaa
Qore Dheere [email protected]