4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Hadraawi: Ottawa iyo codsigii dadweynaha
fiogf49gjkf0d


Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo la hadlaya dadweynihii halkaa isugu yimid

Hiiraan Online

Cabdulqaadir Guuleed  - Xiriiriyihii Kulanka Suugaanta ee Ottawa

Waxa magaalada Ottawa habeenimadii jimcaha ee taarikhdu aheyd 21 november 2008 ka dhacay kulan kaalo(fundrasing) loogu ururinayay dugsi ay wax ku bartaan ardey ka soo jeeda beelaha la heyb sooco oo ku yaala magaalada hargeysa. kulanka oo uu marti ku ahaa kuna yimi codsi dadweyne awgii hal abuurka caanka ah ee soomaliyeed Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, ayaa waxa ka soo qeyb galay qeybaha kala gedisan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Ottawa ee casimada dalka Canada.

Kulanka oo marti sharaf lagu soo casumay ay ka hadashey ayaa waxa taageero ay u muujiyeen sixida qaladaadka soo jireenka ah ee ay somaliadu kula dhaqanto walaalohooda la dhaqanka iyo diintaba ah ee hadana la heybsooco. Waxa madasha kulanka daadihiye ka ahaa Cabdiqaadir Xuseen Guuleed waxaanu ugu horeymtii codbaahiyaha ku soo dhaweeyay sheekh Maxamed Xuseen Hadi oo madax u ah gudida soo abaabushay kulanka, waxa uu umahad celiyay intii gacanta ka geysatey isku duba ridka xaflda iyo ka soo qeybgelideedaba, waxaanu halkaa ka sheegay in reer Ottawa ay si joogto ah taakulo uga geysan doonaan ka faalo qaadka ardeyda uu hadraawi u ololeynayo. waxaanu halkaa ka sheegay in reer Ottawa ay ilaa iminka ururiyeen lacag gaareysa 5000 oo dollar oo horu dhac ah.

Muna Cali, Madaxa Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacadaha magaaladan Ottawa
Waxa sidaas oo kale codbaahiyaha isaga danbeeyay marti sharaf kale oo lagu soo casuumay in ay ereyo mawduuca quseeya ay halkaa ka yiraahdaan waxaaana ka mid ahaa Muna Cali oo madax u ah ururka ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barata jaamacadaha Ottawa, waxaaney si gaar ah ugu guubaabisay waalidka iyo ubadkaba in ay wada shaqeyn gaar ah ka yeeshaan xaaladaha ka soo wejaha nolosha qurbaha, taa marka laga howlgalana waxa ay fududeyneysaa in dadka gudahana wax la taro. waxa iyaguna halkaa hadalo suugaan u badnaa halkaa ka soo jeediyay Dr Xirsi Cabdikariim Ciyoow iyo Xuseen Maxmuud Coloow, hadaladooda ayaa u badnaa ku dhiiri gelinta reer Ottawa sidii ay u joogteyn lahaayeen wada shaqeyntooda.

Maxamuud Cali Maxamed oo isna ka mid ahaa dadkii lagu soo casumay kulanka si uu hadalo uga jeediyo ayaa halkaa ka jeediyay sida heyb sooco bulshadaas ula haray. isaga oo Maxamuud ku soo hal qabsadey sida ubadkiisa uu oo ku nool Canada ugu dhiiri geliyo in horumarka noloshooda ay ku xiran yahay uun waxbarasho, halka dalkisii hooyo hadii ilmuhu wax barto iyo hadii kaleba uu wejahayo caqabado uga imanaya in uu ka soo jeedo uun beshaas la bartilmaameytay. Muxuyadiin Axmed oo majaajiliiste Soomaaliyeed oo afafka Ingriiska iyo Soomaaligaba ku shaacireeya ayaa isna halkaa ku soo bandhigay qeyb kamid ah majaajiladiisa oo ka hadleysa waxyaabaha ay Soomaalidu la kulantey intii ay joogeen waddanka Canada gaar ahaan markii  ay ku cusbaayeen dalka.

 

Muxyadiin Axmed oo ah Majaajiliiste Soomaaliyeed kuna shaacireeyo afafka Ingriiska iyo Soomaaligaba.
Maimxmed Ibraah Warsame Hadraawi ayaa halkaa kaga hadlay sidii ay ku yimaadeen qaar ka mid ah tixaha caanka ee uu tiriyay, waxaanu si gaar ah diirada u saarey sharaxayna dulucda tix la magac baxdey "DHUL GARIIR"r oo ku saabsan heyb sooca. Hadraawi waxa uu sheegay in Soomaalidu ay ilaa iminka fahmi weydey in qeyb ka mid ah bulshadeeda in ay ku gardarooto sababta oo ah iyagaoo u haya hawlo noloshooda aaney uga maarmeyn. Hadraawi ayaa sidoo kale ka sheekeeyay sidii ay ku bilaabatay maansada "SIINLEEYDA" isaga oo markaas soo qaatay dhowr hees oo ay SIINLEEYDU  ku bilaabatay sida heesta uu ku luuqeyn jiray allaha u naxariistee Maxamed Mooge ee dadku badankiisu wada xasuusto oo ahayd "Waan soo socdaa kaw dheh waxna waan sidaa laba dheh, Saxarlaay ha fududaan"

Abwaanka ayaa sidoo kale ka hadlay waxyaabihii ku kalifay in uu alifo heesta caanka ah ee HOOYO. Wuxuuna Abwaanku halkaas ka tiriyey dhammaan tixdii heesta HOOYO ee uu ku luuqeyn jiray fannaanka Maxamed Suleymaan Tubeec.

Gunnaadkii kulanka ayay dadkii halkaa isugu yimi waxa ay iska dhex doorteen gudi joogto ah oo ka warheysa sidii la isugu dubo ridi lahaa dhaqaale joogto ah oo loo fidiyo dhalaanka ka jeeda beelaha somaliyeed ee la heyb sooco taas oo sida ay sheegeen gudidu noqon karta talaabo loo qaadey dhanka sixida qaladaad soo jireen ah.