5/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 3 , 2008
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in ay gacanta ku heyso dhismaha Maamullada Dalka oo uu ugu horeeyo Midka Gobolka Banaadir

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna Wasiirka Warfaafinta Axmed C/salaan Xaaji Aadan
Sabti, May 03, 2008(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay shaaca ka qaaday in ay gacanta ku heyso dhismaha maamullada dalka, kuwaasi oo uu ugu horeeyo midka gobolka Banaadir.

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna Wasiirka Warfaafinta Axmed C/salaan Xaaji Aadan ayaa shaaca ka qaaday in ay Dowladda gacanta ku heynta dhisidda maamullada dalka, wuxuuna caddeeyay in ay haatan wadaan dhismaha maamulka Gobolka Banaadir.

“Ma ahan arrin qarsoodi ah oo waa ay socotaa Dowladdana waxay wadaa dhismaha Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, kaasi oo soo dooran doona Maamulka Gobolka Banaadir”ayuu yiri Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo intaas ku daray in loo baahan yahay maamullada dalka ay noqdaan kuwo ay dadka soo doorteen oo ay raalina ka yihiin.

Sidoo kalena, waxaa uu xusay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka in ay Dowladda dib u habeyn ku sameyneyso Ciidamada Dowladda, wuxuuna sheegay in shir ay isugu yimaadeen Xubnaha Wasiirrada oo uu shir guddoominayay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde lagu gaaray go’aanka ah in dib u habeyn lagu sameeyo Ciidamada Dowladda, gaar ahaan kuwa ilaaliya mas’uuliyiinta Dowladda.

Hadalkan uu sii daayay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo inta badan ay xubnihiisa is-casileen maamul ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u magacawday Gobolka Hiiraan, iyadoo xubnaha is-casilay qaarkood ayba sheegeen in magacaabistooda ay ahayd mid la doonayay in lagu khaarijiyo, bacdamaa sida ay yiraahdeen loo magacaabay maamul uu midkii ka horeeyay isaga cararay Gobolka Hiiraan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia