Madaxweynaha Somaliland iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo Mareykanka ku sugan



Isniin January 14, 2008(HOL):  Weftigii uu hor kacayay Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, oo ku sugan dalka Maraykanka, ayaa booqasho ku tegay goobo taariikhi ah oo ka tirsan Magaalada Washington DC iyo agagaarkeeda.

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Wakiilka Xafiiska Somaliland ee USA Sacad Sh. Cismaan Nuur, ayaa waxa uu u dhignaa sedan;
“Weftigii uu hogaaminayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaain, ayaa Sabtidii, bishuna ahayd 11-01-08 lagu marti qaaday in la soo tuso meelaha taariikhiga ah ee wax ku oolka aah ee Caasimadda Washington DC. iyo hareeraheeda.

Madaxweynaha oo ay horkacayaan ilaalo gaar ah oo Dawladdu Maraykan u qaybisay Weftiga Madaxweynaha Nabadgelyadiisa ayaa la soo mariyey meelo ay ka mid yihiin, Mount Vernon, oo ay ku yaalaan gurigii iyo beertii Madaxweynihii koowaad ee Dalka Maraykanka George Washington, Magaalada Faca weyn ee Alexandria, Togga Potomac ee Magaalada Dhexmara iyo rugta Xuska ee Madaxweynihii hore ee Magaca weynaa Abraham Lincoln,  (Lincoln Memorial) iyo rugta Xuska dadki ku dhintay Dagaalkii Vietnam iyo gobo kale oo muhiima oo ka mida Magaalada Washington DC.

Weftiga oo ka soo degay gegida Diyaaradaha ee , Dulles International Airport, kadib markii ay soo dhammaysteen socdaalkii shaqo ee ay ku joogeen Dalka Boqortooyada Ingiriiska. Waxa Weftiga qolka VIP-ga Madaarka Dulles ku soo dhaweeyay hawlwadeeno ka tirsan Dawladda Maraykanka oo uu horkacayey kal-kaaliyaha ku xiggeenka Wasiirka Khaarajiga ee Dhinaca Africa, Mudane, James Sworn, Saraakiisha habmaamuuska iyo Ilaalada khaashka u ah ilaalinta Madaxda, ( Diplomatic Security).

Weftiga Madaxweynaha oo ay ka mid yihiin, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda, Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Wasirka Wasaaradda Caafimaadka, Cabdi Haybe, Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, Mudane, Axmed Xassan Cali, Wasiir ku Xiggeenka Qorsheynta Qaranka, Mudane, Axmed Xaashi Cabdi iyo Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Ciise, waxay gudo gali doonaa kulamadii rasmiga ahaa maalmaha soo socda.”




Barkhad M. Kaariye     Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland  






Isniin, January 14, 2008(HOL): Dhawaan waxaa shir ku yeeshay Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea Madax ka tirsan Isbaheysiga Dib-u-xoreynta Soomaaliya iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould Abdallah oo haatan si weyn ugu howlan sidii dib u heshiisiin looga dhex furi lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada ka soo horjeeda oo uu ka mid yahay Isbaheysiga Dib-u-xoreynta Soomaaliya.

Isniin January 14, 2008(HOL): Xaaladda ammaan ee magaalada Boosaaso ayaa muddooyinkan waxay ahayd mid aan hagaagsaneyn, waxaana marar kala duwan oo sii horeeyay ka dhacay falal amni darro ah oo isugu jiray af-duubyo, qaraxyo iyo dilal.

Isniin January 14, 2008(HOL): Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa maanta wuxuu ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha ee Magaalada Muqdisho.

Isniin January 14, 2008(HOL): Waxaa maalintii labaad ku jira Xabsi ay maamusho Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Muqdisho ku yaala Agaasimaha Idaacadda Somaliweyn C/raxmaan Maxamed Xasan Xudeyfi iyo Wariye Bashiir Maxamed C/qaadir oo Idaacaddaas ka tirsan.

Isniin January 14, 2008(HOL): Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ka dhacay Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.

Isniin January 14, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay qabteen oo ay xabsiga u taxaabeen Jimcaale Maxamuud Nuur oo ka tirsan Guddoomiye ku xigeennada Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye.

Isniin January 14, 2008(HOL): Kadib markii uu shalay dagaalka dhexmaray Ciidamada Maamullada Somaliland iyo Puntland ayaa waxaa shir deg deg ah isugu yimid golaha Wasiirrada Maamulka Puntland, kuwaasi oo ka arinsanayay dagaalka ka soo cusboonaaday Gobolka Sool.

Isniin January 14, 2008(HOL): Gudiga Isportiga Gobalka Hiiraan ayaa Maalmihii ugu danbeeyay waxaa siweyn uga dhax-taagnaa khilaaf la xiriira dhinaca Hogaanka kasoo hadda u gudbay Gudoomiyaha Gobalka oo dhinacyada isku u dubiyeen Qoraalo si bar bar socda oo dhinac walba dhinaca kale ku eedeynayo.

Somali News

1/14/2008 10:31 AM EST
MOGADISHU - At least 12 people died and more than 25 were wounded in overnight clashes on the border between Somalia’s breakaway northern regions of Puntland and Somaliland, officials and witnesses said today.

1/14/2008 8:34 AM EST
MOGADISHU (AFP)--Somali security forces raided the offices of a private radio and arrested two of its journalists on charges of airing pro-opposition propaganda, the station told AFP Monday.

1/14/2008 8:30 AM EST
ADDIS ABABA (AFP) - The African Union’s top security body began a meeting yesterday to authorise deployment of peacekeepers to war-torn Somalia that officials hope can begin its mission by the end of the month.

1/14/2008 4:15 AM EST
BEIJING (AP) - The election-related violence that has killed hundreds in Kenya is proof that Western-style democracy is a bad fit for Africa, said China, which has been under fire for its friendly relations with authoritarian leaders on the continent.

1/14/2008 4:15 AM EST
BEIJING (AP) - The election-related violence that has killed hundreds in Kenya is proof that Western-style democracy is a bad fit for Africa, said China, which has been under fire for its friendly relations with authoritarian leaders on the continent.

1/14/2008 4:05 AM EST
BEIJING, Jan 14 (Reuters) - Kenya's turmoil shows that Africa is unsuited to Western democracy, an official Chinese newspaper said on Monday, underscoring energy and mineral-hungry Beijing's hands-off approach to politics as it woos African governments.

1/14/2008 3:29 AM EST
NAIROBI (Reuters) - Kenya's feuding parties prepared on Monday for fresh duels in parliament and on the streets despite another international push to mediate a post-election crisis that has now killed at least 612 people.

1/14/2008 3:24 AM EST
AN INQUEST will begin today into a man's death that was investigated by the Independent Police Complaints Commission. The IPCC was called in because Ali Farah Bullaleh had spoken with two police officers and paramedics shortly before he died.

1/14/2008 3:09 AM EST
BOSASSO, Somalia (Reuters) - Ten people were killed in fighting between Somaliland and Puntland troops in northern Somalia over the weekend, a Puntland government official said.
Click here