4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
SPORTS: Mucjisadii kubada miiska oo wacdaro layaableh ka dhigay dalka Jordana

Waxaa akhristoow bishan 16-03-07 ka duulay  dalka Nederland  mucjisadii kubada miiska  Mr Magan Dahir Yusuf isaga oo ku sii jeeda dalka Jordan oo ay ka dhacayen cayaarihii kubada miiska, qaybta kalikalida ah.

 

Mucjisadii kubada miiska intii uu socdaalkiisii ku sii jiray waxaa uu magaalada Paris kula sii kulmay cayaartooyga caanka ah ee u ciyaara  Kooxda Arsenal E.Adebayor oo ay ka sii wada hadleen  sidii cayaaraha  Africa kor loogu sii qaadi lahaa.

 

Furitaankii cayaaraha

 

Waxaa runtii si wayn loo xoojiyay amaanka garoonka maadaamaa uu cayaarahaasi furayay Prince Raad oo ah  boqorka adeerkiis , runtiina si wayna looga yaqaan dalalka Carabta.

Furitaanka cayaarahaas oo runtii dadwaynihii daawanayay ay si cajiib ah uga maqsuudeen , gaar ahaan hidaha iyo dhaqanka ay leeyihiin Jordaaniyiintu.

 

 

Cayaarihii

 

Mucjisadii kubada miiska waa Mr Magan oo isaga si gooni ah loo saadaalinaayay in uu qaadi doono cayaarahan ayaa markiiba waxay fooda isdareen Mr Martin Emarich oo ka socday wadanka France , taas oo cayaartan dadwaynihii daawanayay  si aad ah uga maqsuudeen.

Inkastuu Mr Magan la yara qabsan waayay cuntadii, xanuun yaryarna ay la soo daristay  hawada oo kululeeyd awgeed , hadana wuu ka badiyay laacibkii ka soo horjeeday.

Waxayna cayaartii ku dhamaatay  3-1 Mr Magan.

 

Cayartiisii labaad waxa uu la ciyaaray laacib ka socday wadanka Jordan oo isna ah dhalinyarada soo kacaysa , gaar ahaana mustaqbal ku leh cayaaraha Carabta.

Waxaa uu Mr Magan ku badiyay cayaartana 3-0.

 

Akhristoow taariikhdu markay ahayd 20-03-07 ayuu Mr Magan waxaa uu u soo gudbay- Semifinle isaga oo ay fooda isdareen cayaartooy caan ka ah dunida xiisaysa cayaaraha kubada Miiska Waa Mr Bai Gang oo ka socda wadanka China oo ay waliba wehliyaan tababarayaasha ugu wanaagsan dunida si ay bal mar uun uga badiyaan Mucjisada kubada miiska .

 

Mr Magan oo wali la il daran  ja wiga ,  iyo isaga oon la qabsan wayay cuntadii iyo hawadii -dalka Jordan ayuu hadana  si fiian isaga caabiyay laacibkii ka socday wadanka  China.

Waxay  runtii labadooduba soo bandhigeen cayaar dadwaynhii daawanayay ay ka sheekeeynayeen maal mihii nasoo dhaafay oo dhan.

Cayaartii waxay ku dhamaatay 3-2 Mr Bai Gang ay guushii ku raacday halkaas.

Mr Magana waxaa u cayaarahaas ka galay kaalinta 3dexaad.

Waxa uuna waliba mutaystay n la siiyo cayaarwanaaga cayaarahaas kubada miiska..

 

Lakulankii Boqorka Jordan Adeerkiis

 

Intii uu Mr Magan joogay wadanka Jordan waxaa uula kulmay oo casuumad u fidiyay masuuliyiin farabadan oo jeclaaday bal in ay u kuurgalaan dadaalka uu cayaarahan ka gaaray , maadaamaa uu ahaa laacibka kaliya ee madow ee ka socday qaarada Europe , hadana ah Muslim. Waxaa Mr Magan si gooni ah u qaabilay Mulkiilaha caanka ah ee iska leh Hotelka AL-FANAR PALACE HOTELL ,halkaas oo Mr Magan lagu gudoonsiiyay hadiyad.

Magana uu dhinaciisa ka gudoonsiiyay hadiyay  ay ku sawirantahay funaanada ah Hiiran.com oo uu waliba si gooni ah uu ugu saxixan yahay magaciisa..

Mr Magan waxaa uu isna sidaas oo kale u gudoonsiiyay hadiyay  Boqorka Jordan Adeerkiis Prince M. Raad oo isna helay funaanad uu Magan ku sawiran yahay.

 

Waxaa hadaba akhristoow  wax lagu farxo ah in dhamaan Magaca Somalida meelkasta oo ay ku nooshahay uu Magan u soo hooyay guul , isaga oo Ambasador sports u ah dhamaan umada Somaliyeed ee Afsomaliga ku hadla.

 

Waxaa akhristoow muhiim ah in aan barano dhiirigalinana cayaartoydeena meelkasta oo ay ku nooshahayba.

 

Qore: by  Mahad Turbashaash

Email [email protected] - Waxaad Magan kala xiriiri kartaa:

E-mail: [email protected]