4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Cayaaraha xagaaga heerka 1aad ee Stockholm ka furmay

Stockholm, Sweden
Jimce, July 20, 2007

 

Maanta oo ay taariiqdu tahay 20 july 2007 ayey furmeen cayaaraha xagaaga heerka 1aad ee Stockholm, cayaarahan oo ay kasoo qeyb galeen 10 kooxood oo ka kala yimid wadamada yurub ayaa sanadkaan u ah sanadkiisii 9aad.

 

Furitaankii cayaarahan ayaa waxaa  ka soo qeyb galay dadweyne iyo marti sharaf ka kala yimid wadamada Yurub, USA iyo Sweden. Jawiga furitaanka ayaa aad u wanaagsanaa, cimilada oo  wanaagsan sidoo kalena guddiga cayaaraha maamula ayaa iyaguna ka muuqday diyaargaroow aad u heer sareeya, sidoo kalena waxaa dadweynaha si joogta ah bilaw ilaa dhamaad maaweelinayey fanaaniinta caanka ah oo ah ka mid yihiin Super Khalid,king Khalid, Farax biggy, Qadaafi iyo Mudane Ciid Arsenal oo  ahaa  xiriiraha barnaamijka furtaanka.

 

 

Barnaamijka ayaa sidatan u dhacay waxaa socod bilabay kooxahii tartanka kasoo qeyb galayey iyadoo koox waliba hor kacayey gabar yar oo u sida boor ay magacooda ku qoran yihiin iyo ubaxyo, intaa ka dib ayaa kooxahii kusoo wada idlaaday halkii loogu talagalay inay istaagaan ee bartamaha garoonka.

 

Intaa ka dib waxaabilaabmay khudbadahii furiitaanka halkaas oo ay marti sharaf aad u qiima badan oo qaarkood xilal weyn ka soo qabtay Soomaaliya ay  ka jeediyeen khubado aad u qiima badnaa oo dadweynaha raali galisay, waxaana khudbadii  furitaanka bilaabay gudoomiyaha cayaaraha xagaaga heeka 1aad mudane Yoonis Galbeyte halkasnina kasoo jeediyey khudbad aad u qiima badneyd isla markaana kusoo dhaweeyey mikrafoonka aabaha Isbortiga Soomaaliyeed  mudane Nuur Xuseen Cabdi Nuur Jeenyo, mudane nuur jeenyo ayaa hadal isugu jira guuubaabo iyo dardaaran qiima abdan kasoo jeediyey goobta isla markaana ku wareejiyey mudane Axmed Sheel oo ah massul xilal kala duwan kasoo qabtay isbortiga soomaaliyeed hadaladiisa waxaa ka mid ahaa  waxaa dib u soo xasuustay cayaarahii gobolada Soomaaliya ka dib markii uu aad ula dhacay sida loo soo agaasimay tartanka furitaankiisa, sidoo kale waxa uu Axmed Sheel aad uga hadlay midnimada ummada soomaaliyeed iyo sida isbortiga loo horumarin lahaa.

 

Anagoo halkan aan kusoo koobi karin dhamaan dadkii goobtaas ka hadlay ayaa misna waxaa soo koobeynaa qaar ka mid ahaa madaxdii furitaanka kasoo qeyb galay sida.

 

Mudane Cali Cabdulle Guure abwaan aad loo yaqaan ayaa waxaa ka mid ahaa ereyadiisa waxaa  aad ugu faraxsanahay isla markaana  ugu hambalyeyneynaa in  gudiga qabanqaaba heerka 1aad ee Stockholm ay noqdeen dadkii ugu horeeyey ee isborti ah oo isoo xauusta isla markaana igu marti qaada tartan isborti ii sidaan u qiima badan, sidoo kalena waxaa halkaa khudbado qiima badan ka soo jeediyey, mudane Abdulkadir Bootaan Isoo Mareey, Axmed Nuur seyga Ruushka, macalin Shiino Guhaad,Ali Nuur Garaash,Sahra Gorad, gudoomiyaha SUSCA Axmed Nuune iyo marti sharaf kasocotay maamulka gobolka Stockholm ay ka mid ahaayeen Björn Bagner, Kerstin Gustavson, taliyaha boliska qeybta Spånga mudane Jonny Lindh iyo madax kaloo aad u fara badan.

 

Intaa ka dib ayaa la gaaray cayaartii furitaanka waxaana lagu furay labada koxood ee kala ah Denmark oo ah horyaalkii 2006 iyo kooxda Jeenyo LLPP oo iyaduna ka dhisan Stockholm, waxa ay cayaartiina guusha ku raacday kooxda Denmark oo ay ku guuleysatay 3-2. -  Hiiraan Online kala soco natiijada ciyaarahan


 

Waxaa warbixintaan magaalada Stockholm nooga soo diray:

Ibrahim Galbeyte & Liban Dheere
E-mail: i[email protected]