4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Jaaliyada Soomaaliyeed ee San Diego oo sameeyey mudaharaad ay kaga soo horjeedaan dawladaha Itoobiya iyo Maraykanka


Janaayo 12, 2007 Magaalada San Diego waxaa ka dhacay bannaanbax lixaad leh oo lagaga soo horjeedo weerarka gardaradda ah ee ay ciidamada Itoobiyaanku ku qabsadeen Koonfurta Soomaaliya, iyo duqeynta ay dayuuradaha Maraykanku u geysteen shacabka deggan Gobollada Jubbooyinka ee Soomaaliya.


Bannaanbaxaas oo ay ka soo qeyb galeen dad lagu qiyaasay 250 ilaa iyo 300 oo qof wuxuu ahaa mid si wanaagsan loo soo agaasimey. Dadkaas oo isugu jirey Haween, carruur, aqoonyahano, cuqaal, iyo dhallinyarada oo ka kala yimid magaalooyinka Koonfurta California waxay socod dheer ku mareen waddada faras magaalaha ee San Diego, halkaas oo ay horjoogsadeen xarunta Magaalada San Deigo looga taliyo.

 

Dadkii halkaas isugu soo baxay oo watay boodhadh waaweyn iyo makarafoono waxay ku dhawaaqayeen erayo ay kaga so horjeedaan joogitaanka ciidamada Itoobiya ee ciida Soomaaliya iyo duqeynta ay dayuuradaha Maraykanku u geysanayaan shacabka aan waxba galabsan ee Soomaaliyeed.


 

Dadweynahaas mudaharaadka nabadgelyada sida nabadgelyada ah u dhacay ka soo qeyb galayd waxay dareenkooda ku muuujiyeen sida ay uga xun yihiin falalka bani’aadamnimada ka baxsan ee ay ciidamada Itoobiyaanka ah iyo huwantoodu kula kacayaan shacabka Soomaaliyeed. Sidaas darteed waxay codsaneyaan :

1. Inay ciidamada Itoobiyaanku si deg deg ah oo uga baxaan dhulka Soomaaliya.

2. Inay ciidamada Maraykanku sida ugu dakhsaha badan u joojiyaan duqeynta iyo rusheynta ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

3. Inay bulshada caalamka iyo dada nabad jecelba ay cambaareyn dusha kaga tuuraan falalka waxashnimada ah ee ay ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Maraykanku sameynayaan.

4. In arrimaha Soomaaliya lagu xalliyo wadahadal iyo wada  xaajood dhex mara dhinacyada ay khuseyso.

5. Inay dawlada Soomaaliyeed ka waantowdo fulinta danaha shisheeyaha, oo ay u soo jeedsato danaha dalkeeda iyo dadkeeda.

 

Guddigii mudaharaadkaas soo qabanqaabiyey waxay si weyn ugu mahadceliyeen dadweynihii mudaharaadka ka soo qayb galay.

 


 

Warbixintaan iyo sawirada la socda waxaa magaalada San Diego nooga soo dirtay Sahra Ugaas Maxamed Cabdi