4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Bannaanbaxyo looga soo horjeed joogitaanka ciidamada Itoobiya oo ka kala dhacay magaalooyinka Ottawa iyo London.
Ottawa
 
Bannaabax looga soo horjeedo joogitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya aya maalintii Arbacada ahayd Bisha Jan 3, 2007 ka dhacay magaalada Ottawa ee dalka Canada. Bannaabaxaas oo ka kala dhacay Seddex goobood oo kala ah Baarlamaanka dalka Canada iyo Safaaradaha Itoobiya iyo Mareykanka. Baarlamaanka dalka Canada oo ahayd goobtii uu bannaabax ka bilaawday ay dadkii halkaas isugu soo baxay ay ku dhawaaqayey ereyo ay kaga soo horjeedaan joogitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya.
 
Boliska magaalada Ottawa oo ay daba socdaan dadkii halkaas ku bannaabaxayey ayaa waxay ka dib u soo dareereen Safaaradda Itoobiya ay ku leedahay dalka Canada halkaas oo ay bannaabax ka hor sameeyeen.
 
"Zenawi Down", "Ethiopia Army get out of Somalia" ayaa ka mid ereyadii ay ku dhawaaqyeen dadkii halkaas ku bannaanbaxayey.
 
Dadweynahaas halkaas isugu soo baxay ayaa socdaalkoodii ku soo gabagabeeyey safaaradda dalka Mareykanka ay ku leedahay waddanka Canada ayaga oo mudadii ay halkaas joogeen ka muujiyey sida ay uga xun yihiin siyaasadda dowladda Mareykanka ee ku wajahan gobolka geeska Afrika.
 
Halkaan hoose ka daawo sawiradii laga soo qaaday bannaabaxaas


London
 
Maalinimadii sabtiga oo ay taariikhdu ahayd 30.12.06 ayaa dadweyne aad u tira badan waxa ay isugu soo baxeen ka soo horjeedka dhismaha xafiiska Ra’iisulwasaaraha Britain, oo loo  yaqaan Downing Street. Bannaanbaxaas oo ay soo qaban qaabiyeen mas’uuliyiin ka tirsan jaaliyadda soomaaliyeed ee ku nool London ayaa waxa ay kaga cabanayeen ciidamada Itoobiya oo dhawaan soo galay dalka Soomaaliya.
 
Bannaanbaxaas oo bilowday kowdii duhurnimo ee saacada London ayaa marba marka xigta waxaa soo buux dhaafinayey goobta ay boolisku u qoondeeyeen oo ahayd meel yar, dadweyne fara badan ilaa ay ciidamada nabadgelyadu qasab ku noqotay markii dambe in ay ballaariyaan goobtaas, iyadoo weliba markii dambe uu roob halkaa ka da’ayey balse bannaanbaxayaahsu ay ku adkeysanayeen sii joogitaanka halkaas.
 
Dadkaas oo isugu jiray waayeel, dhalinyaro, caruur; rag iyo dumarba ayaa waxa ay siteen boorar ay ku qoranyihiin erayo muujinaya sida ay uga soo hor jeedaan soo gelitaanka ciidamada Itoobiya ee gudaha Soomaaliya. Mas’uul ku hadlayey magaca qaban qaabiyaasha bannaanbaxaas ayaa ii sheegay in ay ka soo horjeedaan “qabsashada Zanawi ee Soomaaliya iyo dalalka waaweyn ee garabka ku siiyey welina qiilka u raadinaya” waa sida uu hadalka u dhigaye.
 
Bannaanbaxayaasha ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen erayo xamaasad iyo caro weyni ka muuqato waxayna inta badan cod aad u dheer ku qaadayeen heesta soomaaliyey toosoo toosoo isu tiirsada.
 
Bannaanbaxaas oo si nabad ah ku dhamaaday ayaa habsami u socodkiisa waxaa xil weyn iska saaray mas’uuliyiintii soo qabanqaabisay, waxaana halkaa ku sugnaa filimqaadayaal ka kala socday qalabka warbaahinta sida AlJazira, Sky, BBC, Universal iyo kuwa loo yaqaan Freelance.
 
Qabanqaabiyaashu waxa ay halkaa ka sheegeen in ay xigi doonaan bannaanbaxyo joogta ah, kan ugu horeeyana la qaban doono sabtiga soo socda.
 
Halkaan hoose ka daawo sawiradii laga soo qaaday bannaabaxaas.