4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Siminaarkii Ururka SSUF


 

Ururka Isbahaysiga Dhalinyarada Somaliyeed ee Sweden(SSUF)
Khamiis, 20ka bisha December, 2007      

 

Ururka SSUF waa urur  dallad dhalinyaro ah ay ku bahoobeen dhalinyarada ku nool dalka Sweden, Urukaas waxaa uu wax ka qabtaa howlahaa la xiriira waxbarashada, isdhexgalka (integration), dhaqanka (culture), la dagaalanka Mukhaadaraadka, sinaanta ragga iyo haweenka, sport-iga etc. SSUF waxaa hoos yimaada 26 urur dhalinyaro oo ku leh xarumo wadanka SWEDEN gobolladiisa kala duwan. Tirada xubbnaha hoos yimaada Ururka SSUF waa 4000, kuwaas oo had iyo jeer u heelan horumarinta ururka.  

Ururka Dhalinyarada Isbahaysiga Somaliyeed ee SWEDEN ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan SSUF, ayaa waxa uu aya tarikh markii ay ahayd 20/12/2007  Seminaar si heer sare ah loo soo agaasimay  ku qabtay Restaurant-ka caanka ah oo lagu magacaabo “Ethio Star” ee ku yaal bartamaha magaalada caasimada ee Stockholm. Halkaas ay ka soo qayb galeen dadweyne farabadan oo ku nool caasimada iyo gobollada dalka Sweden.

 

Siminaarkaas waxaa uu isugu jiray ”casharo” kala duwan oo ay ka mid yihiin 1. sidii dhalinyara kunool sweden sare loogu qaadi lahaa noloshooda 2. siday dhalinyara isaga ilaalin lahayen waxyabaha xunxun sida muqaadiraadka iwm. 3. qaabkii ay isugu xirmi lahayen dhilinyara guud ahaan dhalinyara kunool wadanka swedn ayna xiriir joogto ah ulahaan lahayen , inkastoo oo mararka qaarkood aysan ka maqneyn in la xuso dalkii hooyo. 

 

Markii ugu horeysay waxaa dadweynaha ka soo qaybgalay seminarka ku soo dhoweeyey madasha agaasimaha ururka Mr Ahmed Hassan, isagoo u mahad celiyey dhamaan ka soo qaybgalayaasha Seminarka waxaa uu Ahmed carabka ku dhuftay in loo baahan yahay in dhamaan la iskaashado hadii la doonayo, in aan la tartanno qowmiyadaha kale ee ku nool dalkaan Sweden, si ay dhalinyaradu mustaqbalka ugaaran  horumar taas oo hada habacsanaan kamuuqato, waxaan ballan qaadaya anniga oo ku hadlaaya magaca guddiga ururkaan in sannadka 2008 aan hirgelino mashaariic badan ee ku wejehan dhalinyarada  joogta dalka sweden, mustaqbalkana aan doonayno sidii aan dhalinyara kunool dhalka soomaliya sidii aan wax ugu qaban lahayn , taas oo ah in  marka hore dhalinyarada lagu  waciyi gelinyo sidii  ay uga hormarilahayeen xaga waxbarashada , dhaqanka, sinaanta hablaha iyo raga sportiga iwl   ayna uga hor tigi lahayen waxyaba xun xun s sida muqadaratka iyo dhaqama xun xun .

 

 

Waxaa barnamijka iskuduwe ka ahaa oo daadihinayey Mr. Rashiid sabriye oo ah usuduwaha TV, Hertseed Stockholm . Rashiid waxaa uu akhriyey ajendaha seminaarka, halkaas uu dadweynaha u  ballan qaaday in ay caawa si fiican uga heli doonaan seminaarkaan iyadoo halkaas aysan ka maqneyn Maaweelada heeso Somali ah oo Live- loo qaadayay, iyo Filimo wata heeso ku saabsan kuwa jacayl iyo heeso dhaqankii reer Miyiga ka hadlaya oo aad loo jecleystay.

 

Waxaa kadib makarofonka laguwarejiy  Mss Sacdiyo Abdi oo ah Sekrateeraraha Ururka SSUF, halkaa ay Sacdiyo ka akhrisay hadafka loo aasaasay ururuka iyo ujeedadiisa dhow iyo ujeedadiisa fogba, kedib waxay u rajeysay dhamaan dadka marti sharafta ah in ay caawa kala qayb qaatan Seminaar aad loo soo agaasimay, oo muddo laga soo shaqeynaayay.

 

Sacdiyo waxay makrafoonka u dhiibtay Mss Amal Abdi oo iyadana ka hadashay ahmiyada ay leedahay sinaanta ragga iyo dumarka, kaas oo ay carabka ku dhufatay in ay muhim tahay in howl kasta ee la qabanayo laga eego xagga sinaanta, halkaas ay diiradda saareysay sidii ay hablaha somaliyeed howl kasta ay uga  qayb qadan lahayen  , aysan howl ay xaq u leeyihiin u dhaafin cid kale, hadii ay noqoto xagga shaqada, sport-iga, siyasada etc

 

Kadib xiriiriyaha seminaarka Mr Rashiid waxaa uu Mikrafoonka ku soo dhoweeyey qoraa Somaliyeed oo hadda soo saaray Book cusub oo ku qoran afka Ingriiska buugaas oo magaciisa la yiraahdo ”The skinless Goat in Somalia” Qoraagaas oo lagu magacaabo Mr Awees Ahmed waxaa uu halkaas ka jeediyey sababta ku kaliftay in uu book-an qoro, iyo dhibaatada ka qabsatay soo daabicidiisa, lakiin uu markii dambe ku guleystay, book-aan oo ah mid jacayl, ka dhex dhacay arday Somaliyeed oo wax ka baran jiray India iyo gabar uu dhalay Professorkii macalinka u ahaa.  Mr Awees iminka waxaa uu ku noolyahay dalka Sweden.

 

 

Kedib waxaa Mikrafoonka lagu wareejiyey Mr Xamdi Ahmed oo si kooban uga hadlay dhibaatooyinka haysta dhalinyarada Somaliyeed ee ku nool dalkan Sweden, halkaas u carabka ku dhuftay caqabadaha hor taagan ay ka mid yihiin Deynta ay qaataan dhalinyaradan ha ahaato kuwa ay ku soo qaataan mobile-da casriga ay ay dukaamada deyn kaga soo qataan iyadoo la diwaan gelinaayo magacooda, lakiin hadii ay deyntaas bixin wayaan lagu qoraayo magacooda liiska Qaan Qabayaasha (dadka deynta bixin waaya), markaas ay sababeyso in aysan wax aqal (guri) aan laga kireyn, xataa ay adkaato in ay shaqo helaan, Xamdi waxa uu ku baraarujiyey dhalinyarada in ay si hufan u nooladaan. 

 

Kedib waxaa Mikrafoonkii laku wareejiyey  Kahin Eenow oo ka hadlay howlaha ay qabato haáyada Kronofogden (Bailiff) oo qaabilsan in dadka qaba deymaha ay ka soo qataan hantida u taal guriga, kedib markii ay maxkamadi goáamiso, Kahin waxaa uu si dhameystran u faah faahiyey shuruudaha ka horeeya inta uusan qofkaas lagu qaadin dembiga  ah in hantidiisa guriga u taal la la wareego. Kahin waxaa uu tusay Muqaalo ku  fasiraya sababaha keeni kara in dembigaas uu qofka ugu dhaco, iyo sida leyskaga ilaalin karo.Kedib waxaa makroofanka lagu wareejiyey Mr Abdulahi Haaji Dayib oo ah nin waayo arag ah marna madax ka ahaa Dallada Ururada Bulshada Somaliyeed ee Magaalada Muqdisho(inxa), Abdulaahi oo ilaa 1970 ku noolaa dalalka Europe iyo Canada ayaa wuxuu amaan iyo bogadin usoo jeediyey hawlaha uu qabto ururka ssuf wuxuuna ku amaanay wakhtiga yar ay jireen horumarka ay kutalabsaden wuxuuna ururka kale urajeyey in ay kudeydaan ururka ssuf wuxuu kale  si xeel dheer u gudbiyey aqoontiisa ku aadan dadka somaliyeed, isagoo amaan u soo jeediyey Ummada somaliyeed, oo yiri Somalia kama liidato waddamada kale ee Afrika, sababta oo ah meel kasta ayuu dagaal sokeeye ka dhacay, lakiin dhibta na haysa waxa ay tahay ayuu yiri aqoonyahanadii somaliyeed oo dalka dibadda uga qaxay, markaas waxaa isku hartay intii wax magaratada ahayd, hadii aad idinka isku deydaan in aad ku noqotaan Dalkii Somalia, waxaan u maleynayaa in aad wax ka beddeli lahaydeen ayuu yiri, halkaas oo suaalo la  weydiiyey , uuna si hufan uga jawaabay. 

 

Kedib waxaa la galay Heesihii Live-ka ahaa iyo cashadii. Halkaas oo ay dadka ka maqsuudeen, iyagoo dhahaaya waxaan rajeyneynaa in seminaaradaan oo kale la qabto.


Ururka Isbahaysiga Dhalinyarada Somaliyeed ee Sweden(SSUF)