5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Shir lagu taageerayey dib u heshiisiinta Qaran ee Dowladdu ku dhawaaqdey oo lagu qabtay magaalada Columbus ee dalka Mayeykanka

Abdifataah M. Abdinur
RSTV

Columbus, April  - Shir aad u balaadhan oo socday laba maalmood (April 7-8) ayaa ka dhacay magaalada Columbus ee gobolka Ohio. Iyada oo ay kaqeyb galeen Boqolaal dadweyne ah oo ay ku jiraan Aqoonyahano, indheegarad, siyaasiyiin iyo waliba hogaamiye dhaqameedyo farabadan. Dadkaas oo ka kala yimi dhamaan gobalada ay Soomaalidu ka dagan tahay wadankan Mareykanka iyo waliba Dalka Canada.

Soo aabulayaashii madashan ayaa ii sheegay in hadafka Shirkan yahay sidii loo taageeri lahaa Shirka Dib u heshiisiinta qaran ee Dowladu ku dhawaaqday bilhii la soo dhaafay in uu ka dhaco Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho  bishan April badh tamaheeda.Walow shirkaas uu dib u dhacy lagana yaabo in uu qabsoomo bilowga bisha May ee sannadkan.

Qudbadii ugu horeysayna waxa ku furay, Mudane Cabdifataax Khaliif oo ku hadlayey Magaca golaha midnimada Soomaaliyeed ee Ohio. Waxaana uu halkaasi ku faahfaahiyey sida ay lama huraanka u tahay in la ilaaliyo midnimada iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed waxaana uu sheegey inuu si aaad ah ula dhacsan yahay habka  loo wado shirka lagu baaqey ee loogu tala galey in lagu dhameeyo khilaafka ka dhex jira dadka Soomaaliya.

Waxaa kale oo isaguna halkaasi ka hadley ku xigeenka Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Mudane Ciid Baddal Maxamed isagoo halkaas ka caddeeyey hawlaha uu xafiiskiisu qabtey mudadii ay joogeen New York, islamarkaana waxa uu sheegey inay ay la sameeyeen xiriir dalal badan oo ay ka dhaadhiciyaan hawlaha DFMG ah ay ka waddo dalka Soomaalia Gudihiisa.

Dhinaca kale, isga oo ka hadlaya dhaliilaha loo jeediyo xukuumada uu ka midka yahay. Danjiruhu waxa uu qiray khaladaadka dowladu samayso.” Idinma dhihikaro 100% sax ayaanu nahay marwalba”Bilaadan baanu nahay way jiri karaan Khaladaad in nala saxo ayaanu u baahanahay laakiin qori caaradii in nalagu saxo aqli ma’aha”.

Waxaana uu  Ciid sheegey dawladani ay tahay mid ku dadaalaysa sidii dhidibada loogu dhigi lahaa Dowlad ka dhalata Soomaaliya, dibna u soo celisa Qaranimadii Soomaaliya.

Siyaasiyiintii kale ee halkaa  ka hadashay   waxa ka mid ahaa Dayib Maxamuud Sheekh oo ah madaxa ururka Mertz Group oo hoostaga daladda Chamber of Commerce. Dayib waxa halkaasi ka sheegey inay Soomaalidu u baahan tahay dib u heshiisiin iyo is fahan si looga gudbo collaadda soo noqnoqonaysa waxaana uu sheegey in dhamaan loo istaago sidii loo aasaasi lahaa” nidaam dowladnimo oo salka ku haya wax wada qabsi iyo  wadajir”.

Waxaa isna Hadal ka qaatey Col. Daahir Ciid oo isaguna sheegey in dadka Soomaaliyeed ay u guntadadaan sidii ay dhisi lahaayeen ama ay u taageeri lahaayeen Dowladda KMG ah ee lagu soo dhisey magaalada Nayroobi, taasi oo ah mid rajo weyn lagu qabo inay soo celiso qaranimadii Soomaaliya.waa sida uu dalka uu hadalka u dhigaye.

Waxa Xusid mudan in shirkan Haweenku kaalin weyn ku lahaayeen, gaar ahaan dhinaca qudbadaha oo badanaa ragu badsado munaasibadahan oo kale. Balse aan dhihi karo shirkan waxa uu hadalku u badnaa dhinaca haweenka.

Marwooyinkii goobtaas kahadlayna waxa ka mid ahaa, Faadumo Hiraad oo hore u ahaan jirtay wariye ka tirsan Radio Muqdisho oo iyadu hogaaminaysay jaaliyada reer Minnesota iyo Batuula Sheekh Ahmed Gabaale oo iyaduna ah Abwanad isla markaasna matalaysay Jaaliyada reer Toronto  Canada .

Batuulo Iyo Faadumo  waxay si siman u guud mareen Silicii iyo saxariirtii ay soo  mareen Dumarka iyo Caruutu 16kii sano ee ugu danbeeyay.Iyaga oo sharaxaad dheer ka bixiyeen Baahida loo qabo in nabad loo helo guud ahaan Dadka iyo dalka Soomaaliya. Waxaanay ka digeen hadaan nabad lagu dadaalin cawaaqib xumada la badikaro maatida Soomaaliyeed ee sanooyinka badan dayacnaa.

Sidaas oo kalena waxay talo u jeediyeen dhamaan dhinacyada is ku haya Siyaasada Soomaaliya in ay nabad wax ku doonaan.Faadumo iyo Batuulo waxay labaduba  shirka Dibu heshiisiinta Qaran ee Dowladu ku baaqday ku macneeyeen in uu yahay Fursad rajo galinkarta Furitaanka irda Isfahan Dhexmara Dhinacyada Soomaaliya is ku haya oo aad moodo in ay mudaba iridaasi xirneed.

Intii uu shirku Socday waxa kale oo xiiso la’hayd Bandhig faneed u badnaa heeso wadaniya iyo gabayo guubaabo ah  oo ay soo ban dhigeen Fanaaniinta Waabari  qaar ka mid ah oo  iyaguna Goobjoog.ka ahaa shirkaas, Fanaaniintaas waxaa ka mid ahaa: Abwaan Maxamuud C/laahi Singub, Saado Cali,Axmed Cali Cigaal, Sahra Siyaad, Najax , Abdiwahaab Cantar Naaji iyo kuwa kale  oo aad u badan.

Shirkan socday labada maalmood oo soo gabagaboobay Axadii bisha April 8,2007 waxa

laga soo saaray qodobo badan oo ay ka mid ahaayeen:

1-In si buuxda loo taagero Dibu heshiisiinta qaran.lagana qeyb galo marka uu Furmo.

2-In Gobol kastaa Soo xusho Cidii Uga qeyb gali lahayd

3-In la soo xulo dad xilkas ah is la markaan isku soo jiidi kara dadka Soomaaliyeed.

4-In caalamka laga Codsodo laguna adkeeyo sidii loo tageeri lahaa Shacabka    Soomaaliyeed ee Dhibaateesan.

5-In la doono waji kasta oo Bulshada Soomaaliyeed ku heshiinkarto, loona midoobo  Sidii nabad iyo dowlad wanaag loo hanan lahaa.


Waxaa warbixintaan magaalada Columbus nooga soo diray:
Abdifataah M. Abdinur