Magaalada Helsinki ee wadanka Finland oo 10 kun Dollar ($10,000) loogu aruuriyey Jaamacadda Hiiraan

Kulan si weyn loo soo abaabulay oo deeq maaliyadeed loogu aruurinayay dhismaha jaamacadda Hiiraan ayaa maalintii talaadada oo ay taariikhda aheyd 27/12/05 ka dhacay magaalada Helsinki ee caasimada dalka Finland.

Kulankaan oo lagu qabtay xarunta weyn ee Kanava Youth Centre , ayaa waxaa soo abaabulay   Jaaliyadda   Soomaaliyeed  ee ku nool magaalada  Helsinki iyo nawaaxigeeda ayagoo aan u  kala harin.

  Kulankaas waxaa ka soo qeeyb galay dadweyne Soomaaliyeed oo aad u badan, oo ay ka muuqatay wadaninimo, xamaasad iyo qiiro dheeraad ah oo ay u qabaan wadankooda, iyaga oo si weyn u dhageysanayay qudbadihii xiisada lahaa oo ey soojeediyeen aqoonyahanno Soomaaliyeed oo halkaas ka hadlay.

Kulankaas  oo ku  dhacay jawiga aad u heer sarreeya oo aad u deggan, ayaa ugu horeeyntii waxaa ka furay   Mohamud  Abdirahman Muuse  (Shujaac) oo ku amaanay prof, Warfaa  xilka weyn oo uu dhabarka u dhigtay  uguna duceeyey inuu Ilaah u fududeeyo hawshan uu u istaagay.

Markaa ka dib waxaa  hadalka qaatay Prof. Axmed Mohamed Weheliye Axmed “xijji” oo ka waramay taariikh nololeedkii   Pro. Warfaa oo ay ilaa yaraantoodii isla soo koreen  macalimiinna ay wada ahaayeen waqti dheer. Axmed Xijji wuxuu kalmad gaaban kasoo jeediyay faa’idada sadaqada jaariya ay  uleedahay  qofkii dhiibtana uu ka helayo ajar iyo xasanaad u socda aduun iyo aakhiroba. Intaas kadib waxaa isna ka hadlay Dr Hassan Mohamed Gebin “Xasan amxaar” oo isaga qudhiisna ka warbixiyey hawsha fiican oo uu  Prof . Warfaa u istaagay iyo siday u kala qiima badan yihiin cilmiga iyo jahliga.

Intaas kadib waxaa cod baahiyahai lagu soo dhaweeyey  Pro. Ahmed Muumin Warfaa.Hadaladii qiimaha lahaa oo uu prof. Warfaa soo jeediyay waxaa ka mid ahaa:-

Assalaamu Caleykum waraxmatullaahi wa barakaatuhu. Salaanta islaamka ka bacdi  Allaa mahad leh nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaato nebigeennii suubanaa, idinkana korkiinna nuur Allaha dhigo. Waxaan maqsuud ka ahay oo aan ka mahad celinaayaa sida aad ii soo dhaweyseen iyo sida aad isugu xirantihiinba, walaalayaa Ilaah wuxuu yiri Iqra bismi rabika........callamal insaana maalam yaclam. Walaalayaa waxaad fikirtaan oo aad cabirtaan bal waqti yar  qof 40 sano ku gaaray wax qorid iyo akhris la’aan oo hal mar amar  samada uga yimid  Iqra... idinka bal fekira.

Prof. Warfaa waxaa kale oo uu sheegay in sadaqada aysan laheyn yaraan ee ay u baahan tahay niyad wanaag iyo inuu qofku si ikhlaasnimo ku jirto ula baxo wixii uu Ilaah kasoo qaado.

Hadalkii Prof. Warfaa oo isug jiray wacdi, waano tusaalooyin cilmiyeysan oo ay u riyaaqeen dadweynihii ka soo qaybgalay  waxaa markii uu dhamaaday loo uruuriyey oo la balan qaadey lacagta kor ku xusan.

Intaas kadib ayaa waxaa billowday wadahadal iyo fikrado is weydaarsi ay soo jeediyeen odayaal iyo wax garad kamid ah jaaliyadda soomaaliyeed ee Finland degan oo sheegay sida ay ugu farxsan yihiin booqashada proff. warfaa iyagoo ku bogaadiyey dedaalka badan ee uu ku bixiyey sidii ay umaddiisa uga bixi laheyd jahliga.

Waxaa la socda qaar kamid ah sawiradii xafladda Helsinki

NB. hadalka poff. Warfaa waxaad uga dartaan linkigaan:
www.radiowarsan.com

Xafladihii hore ee la soo qabtay
JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE BIRMINGHAM ( UK) OO $12,000 UGU YABOOHDAY JAAMACADDA HIIRAAN - Brigmingham, UK
Dhaqaale gaarayo $100,000 (�60,000) oo ay jaaliyadda Soomaaliyeed ee London ugu deeqeen Jaamacadda Hiiraan - London, UK
OHIO: Jaamacadda Hiiraan oo heshay deeq lacageed oo dhan $16,100 - Columbus, OH (USA)
Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalda Ottawa oo ugu deeqday $ 14,000.00 dhismaha Jaamacadda Hiiraan - Ottawa, Canada
Somali Community in Toronto raised funds for the establishment of Hiiraan University - Canada
Soomaalida Minnesota oo $80.000 Ugu Yaboohay Jaamacadda Hiiraan- Minnesota, USA
Seattle, WA: Dhaqaale $10,000 oo loo aruuriyey Jaamacadda Hiiraan - Seattle, WA (USA)
Hiiraan University (HU) Fundraising Event - Denver, Colorado -





 


Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright � 2005 Hiiraan Online