Xamaas: Qorshaha Barakicinta Falastiiniyiinta Wuu Soo Laabtay, waxaana loo maraya aqoonsiga Somaliland

Cabirka Farta

Khamiis, January 1, 2026 (HOL) - Hoggaamiye sare oo ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Iska-caabbinta Islaamiga ah ee Xamas, Osama Xamdaan, ayaa si adag uga digay in mar kale dib loo soo noolaynayo qorshayaal lagu barakicinayo shacabka Falastiin, kuwaas oo uu sheegay in hadda loo marayo wadiiqooyin cusub, gaar ahaan hadallada la xiriira aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.

Isagoo wareysi siiyey telefishinka Al-Jazeera, Xamdaan ayaa sheegay in arrintani ay qeyb ka tahay mashruuc ballaaran oo Israa’iil waddo, kaas oo ujeedkiisu yahay in dhulka Falastiin laga tirtiro dadkii lahaa, ha noqoto Marinka Qaza ama Daanta Galbeed.

Wuxuu xusay in Israa’iil ay isku dayayso inay raadiso meel kale oo ay ku fuliso barakicin qasab ah, iyadoo isla mar ahaantaasna doonaysa inay saldhig siyaasadeed iyo amni ka sameysato Geeska Afrika.

Xamdaan wuxuu beeniyey hadallada Israa’iil ee ku saabsan tirakoobyo ama sahanno lagu sheegay in dadka Qaza ay doonayaan inay ka guuraan deegaannadooda, isagoo adkeeyey in “uusan jirin hal Falastiini ah oo doonaya inuu ka tago dhulkiisa”. 

Wuxuu tilmaamay in duqeymaha, go’doominta iyo burburka baahsan aysan marna ku qasbin shacabka Falastiin inay ka tanaasulaan dalkooda.

Sidoo kale, wuxuu xusay in tobanaan kun oo Falastiiniyiin ah ay si degdeg ah isu diiwaangeliyeen si ay ugu laabtaan Qaza markii la furay diiwaangelinta, taasoo caddeyn u ah sida ay ugu dheggan yihiin dhulkooda inkastoo ay jiraan dhibaatooyin iyo burbur xooggan.

Dhanka kale, Osama Xamdaan ayaa xaqiijiyey in Xamas iyo guud ahaan kooxaha Falastiiniyiinta ay la xiriireen dhinacyo Carbeed, Islaami ah iyo Afrikaan ah, si ay ugu caddeeyaan mowqifka qaran ee Falastiin ee ka dhanka ah barakicinta, isagoo uga digay cid kasta oo ku lug yeelata waxa uu ku tilmaamay “dambi cusub” oo laga galayo shacabka Falastiin.