Soomaaliya iyo Morocco oo kala saxiixday heshiisyo muhiim ah

Sabti, November 29, 2025 (HOL) - Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa dhigiisa dalka Morocco Nasser Bourita ayaa kala saxiixday heshiisyo muhiim ah.

Labada wasiir ayaa kala saxiixday heshiis labo geesood ah oo la xariira dhanka Iskaashiga, horumarinta ilaha muhiimka ah. Sida Beeraha, Biyaha, kalluumeysiga Badda, Dalxiiska, Tamarta la cusboonaysiiyo, Waxbarashada, Tababarka xirfadaha, Caafimaadka, Amaanka, Maalgashiga dhaqaalaha iyo Cayaaraha iyo dhaqanka.

"Heshiisku wuxuu kordhinayaa tirada deeqaha waxbarasho ee sanadlaha ah ee la siiyo ardayda Soomaaliyeed oo la gaarsiiyay ilaa 120. Deeqahani ayaa waxa ay dabooli doonaan waxbarashada heerarka kala duwan ee jaamacadeed" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya. 

Waxaa sidoo kale labada dowladood ee Soomaaliya iyo Morocco ay ku balameen in heshiiskaan dib u eegis lagu sameeynayo labo sano kadib si loo qiimeeyo loona sii xoojiyo heerka uu haatan jooga heshiiska ay kala saxiixdeen labada dhinac.

Heshiiska labada dal waxaa qeyb ka ahaa in Soomaaliya iyo Morocco ay ka dhaafaan Baasaboorka Diblomaasiga shuruudaha dal ku galka, si loo fududeeyo socdaalka Diblomaasiyiinta iyo booqashooyinka rasmiga ah.

Ugu dambeyntii heshiiskan ay wada gaareen Soomaaliya iyo Morocco ayaa ka mid noqonaya heshiisyo muhiim ah oo ay dowladda Soomaaliya sanadahii ugu dambeyay la galeysay qaar ka mid ah dalalka Caalamka.