
Arbaco, December 31, 2025 (HOL) - Banaanbaxyada looga soo horjeedo xadgudubka Israa’iil ay kula kacday Qaranimada Soomaaliya ayaa wali ka socda qaar ka mid ah gobolada iyo degmooyinka dalka.
Dibaxyada ayaa maanta markale ruxay magaalooyin waa weyn oo ay ka mid yihiin Baledweyne, Buula burte, Jowhar, Balcad iyo Ceel dheer oo ka kala tirsan gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.
newsinsideBanaanbaxyadaan ka socda dhowrkii maalin ee lasoo dhaafay inta badan gobolada dalka ayaa ah kuwa shacabka Soomaaliyeed ay ku diidan yihiin farogelinta qaawan ee Israa’iil kusoo qaaday midnimada iyo gobanimada Soomaaliya.
Dibadbaxayaasha ayaa fagaarayaasha magaalooyinka aan kor kusoo xusnay ka sheegay ineysan marnaba aqbali doonin la kala qeybiyo midnimada iyo wadajirka dalka Soomaaliyeed, islamarkaana ay iska difaaci doonaan cid walba oo kusoo xadgudubta madaxbannaanida Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee banaanbaxyadan ayaa ah kuwa daba socda dibadbaxyo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacaayay qaar ka mid ah magaalooyinka dalka, waxaana u dambeeyay banaanbaxyadii shalay ka dhacay magaalooyinka ka tirsan gobolada Banaadir, Galmudug, Waqooyi Bari iyo Koonfur galbeed.
Ugu dambeyntii dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn dunida ugu muujiyey sida ay uga go’an tahay inay difaacdaan midnimada dalkooda, halka sido kale beesha caalamka iyo ururrada Caalamiga ah ay dhamaantood ka hor yimaadeen damaca gurracan ee Israa’iil kusoo faro gelisay midnimada iyo madax banaanida dhulka Soomaaliya.