
Jimco, December 26, 2025 (HOL) - Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku muujisay diidmo cad oo aan leex-leexad lahayn oo ay ka qabto tallaabada ay ku tilmaantay “aqoonsi sharci-darro ah” oo ay Israa’iil siisay Somaliland, taas oo ay ku sheegtay mid si toos ah u dhaawacaysa madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Madashu waxay sheegtay in tallaabadan ay xadgudub ku tahay mabaadi’da sharciga caalamiga ah ee ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay iyo xeerarka aasaasiga ah ee Midowga Afrika, isla markaana ay halis ku tahay nabadda, amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika, Waxay carrabka ku adkaysay in xuduudaha caalamku aqoonsan yahay ee Soomaaliya aysan ahayn kuwo gorgortan geli kara.
Sidoo kale, Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa ku baaqday in Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay ay si buuxda u garab u istaagaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay ka hortagaan fal kasta oo lagu wiiqayo midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.
Warsaxaafadeedka ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay halis ku tahay qaaradda Afrika, maadaama ay dhiirrigelin karto mashaariic gooni-goosad ah, isla markaana ay ka hor imanayso mabda’a Midowga Afrika ee ilaalinta xuduudaha.
Dhanka kale, Madashu waxay si cad u muujisay mowqifka shacabka Soomaaliyeed ee ka soo horjeeda soo jeedin kasta oo lagu doonayo in arrinta Falastiin lagu xalliyo dib-u-dejin, halkii laga xaqiijin lahaa xuquuqda sharciga ah ee Falastiiniyiinta, iyadoo ku tilmaantay hababkaas kuwo ka baxsan sharciga caalamiga ah iyo mabaadi’da cadaaladda.
Ugu dambeyn, Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay is dejiyaan, midoobaan, kuna wajahaan xaalad mas’uuliyad qaran, halka ay dowladda Federaalka ku boorrisay in ay qaaddo istaraatijiyad diblumaasiyadeed oo mabda’ ku dhisan, kana shaqeysa la-tashi ballaaran oo lala yeesho dhammaan daneeyayaasha gudaha, gobolka iyo caalamka, si loo helo xal sharci iyo diblumaasiyadeed oo waara.

