
Talaado, December 23, 2025 (HOL) - Guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa goordhaw si rasmi ah u shaaciyay in 16 degmo oo ay ka dhici doonto doorashada golayaasha deegaanka degmooyinka gobolka Banaadir ee la filayo iney dhacdo 25-ka bishaan oo ku beegan Khamiista soo socota.
Afhayeenka Guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdifataax Faysal Xuseen oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee guddiga ayaa sharaxay goobaha codbixinta ee degmooyinka gobolka Banaadir.
Afhayeen Cabdifataax Faysal Xuseen ayaa sheegay in doorashada goleyaasha deegaanka degmooyinka gobolka Banaadir ay ka qabsoomi doonto 16 degmo 213 xarumood iyo 523 goobood.
"Maalinta Khamiista oo bishu tahay 25, saacadu markay tahay 06:00 aroornimo waxaa degmooyinka Gobolka Banaadir ka bilaabanaya codbixinta doorashada oo socon doonta ilaa 06:00 Maqribnimo, cidii 06:00 Maqribnimo kasoo daba marta wax codbixin ah ma sameyn doonto, lakiin qofkii asagpp safka ku jira waqtigaas gaaro waa loo samey doona xal kale oo ay ku codeyn karaan" ayuu yiri Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdifataax Faysal Xuseen.
Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa ugu digay ururrada ka qeyb galaya doorashada ineysan wax olole ah ka sameynin gudaha xarumaha iyo goobaha ay ka dhacayaan codbixinta doorashada goleyaasha deegaanka degmooyinka gobolka Banaadir.
Shacabka ku nool degmooyinka gobolka Banaadir ayaa si weyn indhaha ugu haaya doorashada dadweyne ee lagu wado iney ka qabsoonto maalinta Khamiista ah magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.