Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay sharciga dhismaha Gudiga madaxabanaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Arbaco, December 10, 2025 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay sharciga dhismaha Gudiga madaxabanaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.

Sharcigan uu saxiixay madaxweynaha waxaa horay u ansixiyay labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana saxiixa madaxweyne Xasan Sheekh uu ka dhigayaa mid si rasmi ah u dhaqan galaya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in talaabadani ay muujinayso go’aanka Soomaaliya ee ku aaddan dhowrista xuquuqda muwaadiniinta, isagoona amaanay wada shaqeynta Baarlamaanka iyo Xukuumadda.

Wuxuu sidoo kale bogaadiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka dadaalka ay ku diyaarisay hanaanka sharci iyo farsamo ee suurta geliyay dhismaha guddi awood u leh gudashada waajibaadka Qaran.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in muhiimad weyn ay  leedahay ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo xoojinta dowladnimada ku dhisan caddaalada iyo isla xisaabtanka.

Gabagabadii Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey fududeynta howsha Guddiga, isaga oo xusay muhiimadda ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo xoojinta dowladnimo ku dhisan caddaalad iyo isla xisaabtan.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Al-makhzumi ayaa ka mahadcelisay saxiixa uu maanta ku sameeyay madaxweynaha dhameystirka dhismaha xubnaha Guddiga Madaxabanaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.

"Waxaan si miisaan leh ugu mahad celinayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu maanta si rasmi ah qalinka ugu duugay ama u saxiixay dhameystirka dhismaha Xubnaha Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo ay horey usoo ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirrada, ayadoo saxiixaasina uu Madaxweynaha kusoo beegay maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka" ayay tiri Wasiirka Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Khadiijo Maxamed Al-makhzumi.

Wasiir Khadiijo Maxamed ayaa sidoo kale xustay in dhameystirka sharcigan ay kusoo bixisay Wasaaradeeda dadaal iyo juhdi xooggan oo mudo sanado badan soo socday.