Isniin, September 22, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta kulan la yeeshay saraakiil sare oo ka tirsan Ciidamada Mareykanka ee arrimaha amniga Bariga Afrika.
"Madaxweynuhu waxa uu Saraakiisha uga mahad naqay booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, waxana uu kala hadlay arrimo muhiim ah oo la xidhiidha xoojinta nabadgelyada Gobolka Geeska Afrika, iskaashiga iyo adkaynta wada shaqaynta u dhaxaysa Somaliland iyo Mareykanka" ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Madaxyooyada Somaliland.
newsinsideQoraalka waxa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu saraakiisha uga waramay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Somaliland u leedahay mandaqadda iyo doorka ay ka qaadato ilaalinta nabadda iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.
"Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Somaliland tahay saaxiib la isku hallayn karo iyo Dawlad mas'uul ah oo muddo ka badan 30 sano si joogto ah ugu shaqaynaysay arrimaha amniga, dimuqraadiyadda, horumarka bulshada iyo nabad ku wada noolaanshaha shucuubta iyo dalalka Bariga Afrika" ayaa lagu yidhi qoraalka madaxtooyada.
Dhanka kale, Madaxweynaha Somaliland waxa uu Goleyaasha Sharci Dejinta ee Mareykanka uga mahad naqay taageerada qadiyadda Somaliland iyo isbeddelka lagu talo jiro in lagu sameeyo siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, gaar ahaan arrimaha khuseeya Somaliland iyo Soomaaliya.
"Iyaguna dhankooda, Saraakiisha Sare ee Ciidamada Mareykanka ee Bariga Afrika waxa ay Somaliland ku bogaadiyeen amniga, xasiloonida iyo kaalinta ay Somaliland ka qaadato sugidda amniga iyo nabadgelyada xag dhulka iyo xag badeedba, iyaga oo ballan qaaday in ay sii dardar gelin doonaan wada shaqaynta labada dhinac ee xagga amniga, tababarrada iyo taageerada farsamo".
Socdaalka saraakiishan ayaa kusoo beegmaya xili Guddida Arrimaha Dibbada ee Golaha Wakiilada Maraykanku ay meelmariyeen shirci kor loogu qaadayo xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka.