Khamiis, October 30, 2025 (HOL) - Wararka laga helayo ilo gudaha ah ayaa sheegaya in in ka badan 2,500 askari oo ku kala sugan magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo ay caawa heleen lacag dhan $200, oo uga timid Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Lacagta ayaa la xaqiijiyay in lagu bixiyay hab bangi, iyadoo fariimaha lacag dirista ee la arkay ay muujinayaan in ciidamadan ay ka tirsan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA).
newsinsideSaraakiil xog ogaal ah ayaa sheegay in askarta lacagta heshay ay u badan yihiin ciidamada PSF ee ku sugan Boosaaso, iyo ciidamada Danab ee uu hoggaamiyo General Jimcaale, kuwaas oo fadhigoodu yahay Garoowe. Ciidamadan ayaa dhawaan la sheegay in Madaxweyne Deni uu ka jaray mushaharkii ay qaadan jireen, taas oo sababtay caro iyo cabasho ciidan.
Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in ciidamo kale oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ay iyaguna heleen lacagta la bixiyay caawa.
Bixinta mushahaarkan ayaa imaanaya iyadoo dhowaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in ay jiraan ciidamo heer federaal ah oo ku sugan gudaha Puntland.