Arbaco, October 29, 2025 (HOL) - Faadumo Cabdi Cali, oo ahayd hooyo uur leh oo ku noolayad xadka Ethiopia, ayaa gashay safar 120 km oo lug ah si iyada iyo ninkeeda ay u gaaraan Isbitaalka Gobolka Mudug ee Gaalkacyo, si ay u hesho daryeel caafimaad oo degdeg ah. Dhakhaatiirta hay'adda aan xadduuda lahayn ee MSF ayaa u sameeyay qalliinka dhalmada, kaas oo badbaadiyay nolosha Faaduma iyo ilmaheeda.
newsinsideMarkii Faadumo gaartay isbitaalka Gaalkacyo, dhakhaatiirta ayaa ogaaday in xaaladdeeda ay khatar ku jirto, waxayna isla markiiba ku sameeyeen qalliinka dhalmada. Ilmaheeda ayaa dhashay isagoo caafimaad qaba.
Gobolka Mudug ayaa muddo dheer la daalaa dhacay colaado iyo abaaro, waxaana aad u xaddidan adeegyada caafimaad ee halkaas. Hooyooyin badan iyo carruurtood ayaa saacado badan ku safra waddooyin halis ah si ay u helaan adeeg caafimaad, halka qaar kalena aysan helin daryeel ku filan.
MSF iyo Wasaaradda Caafimaadka Puntland waxay bixiyaan adeegyo ay ka mid yihiin dhalmada, nafaqada hooyada iyo dhallaanka, xaaladaha degdegga ah, iyo cudurka qaaxada (TB).
Laakiin baahida caafimaad iyo nafaqo-darro ayaa sii kordhaysa sababo la xiriira yaraanta kaalmooyinka cuntada. Daraasad dhowaan la sameeyay ayaa muujisay in ilaa 3.4 milyan oo qof ay la kulmayaan cunto yari halis ah, tiradaasina laga cabsi qabo inay gaarto 4.4 milyan dhammaadka sanadkan.