Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo daahfuray mashruuca Jowhar Off-stream Storage Programme

 

Talaado, October 28, 2025 (HOL) - Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda  Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad si rasmi ah loogu soo bandhigay dardargelinta mashruuca Jowhar Off-stream Storage Programme (JOSP), oo ka mid ah mashaariicda muhiimka ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka fulinayso gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in mashruucani uu yahay mid qaran oo laf-dhabar u ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka (2025–2029), kaas oo diiradda saaraya horumarinta maareynta biyaha iyo kor u qaadista wax-soosaarka beeraha.

newsinsideRa’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa xusay in JOSP uu fure u yahay sidii bulshada Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen biyo joogto ah, u horumarin lahaayeen beeraha, isla markaana dalku uu yareyn lahaa ku tiirsanaanta kaalmooyinka dibadda.

“Mashruucan wuxuu horseedi doonaa in dadkeena ay si buuxda uga faa’iidaystaan kheyraadka dabiiciga ah ee Alle ku mannaystay dalkeena, taas oo kor u qaadi doonta isku filnaanta iyo horumarka dhaqaale,” ayuu yiri Mudane Saalax Axmed Jaamac.

Dhinaca kale Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Dabageed, ayaa sheegay in maamulkiisu uu door weyn ka qaadan doono sugidda amniga mashruuca dhismaha kanaalka biyaxereenka ee Jowhar Off-stream Storage Programme (JOSP), kaas oo muhiim u ah horumarinta beeraha iyo maaraynta biyaha gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa tilmaamay in Hirshabelle ay si buuxda uga go’an tahay in mashruuca uu u qabsoomo si nabad ah, isagoo xusay in maamulka iyo ciidamada amniga gobolka ay si dhow ula shaqeyn doonaan Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xaqiijiyo amni buuxa inta uu mashruucu socdo.

“Kanaalka biyo xereenka ah dhisimiisa waxaan annagana ka gaysan doonaa sugidda amniga anagoo kaashanayna Dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Yuusuf Dabageed, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.

Mashruuca Jowhar Off-stream Storage Programme ayaa la filayaa inuu saameyn togan ku yeesho nolosha in ka badan 300,000 oo muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaas oo ka faa’iideysan doona biyaha, beeraha, iyo fursadaha shaqo ee uu abuuri doono mashruucan muhiimka ah.