Axad, October 26, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku adkeeyey madaxda iyo howlwadeennada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, muhiimadda ay leedahay adkeeynta shuruucda socdaalka, hufnaanta adeegyada muwaadiniinta iyo la dagaallanka tahriibka, argagixisada iyo socdaalka sharci darrada ah.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay go’aansatay in la xoojiyo nidaamka amniga xuduudaha, si looga hortago in danbiilayaal ama kooxo khatar ku ah amniga ay si fudud ku soo galaan dalka.
newsinsideMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey guulaha muuqda ee ay gaartay Hay’adda Socdaalka, gaar ahaan hannaanka casriyeynta ee bixinta dal-ku-galka elektaroonigga ah (e-Visa), iyo hirgelinta nidaamka cusub ee PISCES, kaas oo ah nidaam casri ah oo lagu maamulo xuduudaha iyo aqoonsiga dadka, una adeegsanaya xogaha biometric-ga sida faraha iyo aqoonsiga wejiga.
Dhinaca kale, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa sheegay in madaxweynaha uu faray in la adkeeyo nidaamka e-Visa, isla markaana la kordhiyo tayada iyo amniga Passporka Soomaaliyeed, si uu ula jaanqaado heerarka caalamiga ah.
Hadalka Madaxweynaha ayaa yimid kadib markii uu kormeer ku tagay xarunta Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya wxaana uu halkaas warbixino kaga dhageystay howlwadeenada Hay'adda kuwaasi oo la wadaagay howsha ka socota Hay'adda Socdaalka.