Sidee Magaalada Carta ee dalka Jabuuti u Noqotay Gogosha Nabadda Soomaaliya? Warbixin

 

Axad, October 26, 2025 (HOL) - Inta u dhaxaysa buuro yaryar oo deggan iyo dhul ay deeqsinimo iyo diirran u gaar yihiin dadka reer Djibouti, waxaa sannadkii 2000 lagu qoray bog cusub oo iftiin leh oo ka mid ah taariikhda nabadaynta Afrika. 

Magaaladii Carta, oo 40 km u jirta caasimadda Djibouti, ayaa noqotay meel uu dunidu indhaha ku hayo, markii ay martigelisay Shirkii Dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed, shir socday muddo afar bilood ah oo ay isugu yimaadeen in ka badan 4,000 oo Soomaali ah siyaasiyiin, culumo, odayaal, iyo xubno bulshada rayidka ah ka kala yimid gudaha iyo dibadda Soomaaliya.

Shirkan oo uu hindisay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ahaa tallaabadii diblomaasiyadeed ee ugu horreysay ee uu qaaday kaddib markii loo doortay madaxweyne، Geelle wuxuu aaminsanaa in “xasilloonida Soomaaliya ay tahay furaha nabadda iyo horumarka Geeska Afrika,” taas oo noqotay fariin hoggaamineed oo ka dhex iftiintay dhammaan wejiyada shirka.

newsinsideMuddadii afartii bilood ahayd, shacabka Jabuuti waxay muujiyeen heer taageero iyo walaaltinimo aan hore loo arag, Qoysas badan ayaa guryahoodii u furay martida Soomaaliyeed, halka dowladda Jabuuti ay bixisay dhammaan adeegyada iyo qalabkii loo baahnaa.

Sida uu sheegay Madaxweyne Geelle xilligaas “Jabuuti ma qabanayso shir siyaasadeed oo keliya, ee waxay martigelineysaa walaalaheed Soomaaliyeed jacayl, waajib, iyo masuuliyad darteed.”

Shirka Carta wuxuu ku dhammaaday guul taariikhi ah, Waxaa la dhisay Baarlamaanka Kumeelgaarka ah oo ka koobnaa 225 xildhibaan, waxaana markii ugu horreysay la siiyay haweenka 25 kursi iyo 24 kursi oo lagu matalayey beelaha laga tirada badan yahay, arrin aan hore uga dhicin siyaasadda Soomaaliya. 

Waxaa sidoo kale la ansixiyay Axdi Qaran Kumeelgaar ah oo dejiyay hannaan dowladeed cusub iyo muddo saddex sano ah oo kala-guur ah.

Natiijada shirkaas ayaa horseeday doorashadii Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan, madaxweynihii ugu horreeyay ee sharciyad buuxda ku yimaada kaddib burburkii 1991-kii, Qaramada Midoobay iyo dalal badan oo carbeed iyo Afrikaan ah, sida Boqortooyada Sacuudiga iyo Masar, ayaa si buuxda u taageeray dadaalkaas, iyagoo ku tilmaamay “tusaale guuleystay oo diblomaasiyad ku dhisan daacadnimo iyo walaaltinimo Islaami ah.”

Shirka Carta wuxuu reebay dhaxal Wuxuu u horseeday Soomaaliya fursad cusub oo ay ku bilowdo dib-u-dhiska hay’adaha dowladeed, isla markaana wuxuu dhiirrigeliyay dood cusub oo ku saabsan matalaadda haweenka iyo dimuqraadiyadda.

25 sano kaddib, Carta weli waa magac ay Soomaalidu iyo Afrikaduba xusuustaan calaamad u ah in nabaddu ay suurtagal tahay marka ay jirto niyad daacad ah iyo hoggaan geesinimo leh.

Sidii uu markaas sheegay Madaxweyne Geelle “Waxaan bartay in qaybsiga kuraasta uu ka adag yahay isu-keenidda qalbiyada balse Carta waxay ahayd meel aan ku mideynay qalbiyadii Soomaaliyeed.”

Shirka Carta ayaa maanta lagu xasuustaa inuu ahaa cashar nololeed oo ku saabsan sida diblomaasiyadda ku dhisan qiimaha iyo kalsooni ay u soo celin karto nabadda iyo sharafta qaranimo.