Dowladda Federaalka oo diiday In eedeysane ku ku eedaysan kufsi lagu wareejiyo Puntland

 

Jimco, October 24, 2025 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diiday in Puntland lagu wareejiyo agaasimihii hore ee Isbitaalka Qardho Jaamac Maxamuud Cabdi oo ku eedaysan kufsi iyo faafinta muuqaallo anshax xumo ah oo ka dhan ah gabdho Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Qardho.

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa ka shaqeynaya in eedeysaneha lagu maxkamadeeyo Muqdisho, halkii loo qaadi lahaa Puntland, halkaas oo uu ka furan yahay eedda kiiskiisa, isla markaana ay ku jiraan dad kale oo kiiskaan u xiran.

newsinsideDowladda Federaalka ayaa markii hore qorsheynaysay in eedeysaneha, marka laga soo dajiyo Muqdisho, loo wareejiyo Puntland. Mas’uuliyiinta amniga ee labada dhinac ayaa arrintaan ka wada shaqeynayay.

Si kastaba ha noqotee, markii sarkaal ka tirsan hay’adda nabad sugidda Puntland oo kiiskan gacanta ku hayay lagu xiray Garowe sababa la xiriirta inuu wada-shaqeyn dhow la leeyahay Dowladda Federaalka, ayaa keentay in dowladda Federaalka ay ka laabato qorshaheeda.

Dowladda oo ka carootay xariga sarkaalkan ayaa sida aan xogaha ku helnay go’aansatay in eedeysanaha aan loo wareejin Puntland. Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ayaa dhawaan soo saaray bayaanka xaqiijinaya in Dowladda Federaalka ay la wareegtay kiiskan, taasoo macnaheedu yahay in eedeysanaha Muqdisho lagu maxkamadeynayo.