Jimco, October 24, 2025 (HOL) - Shirkadda ugu weyn ee soo saarta hubka ee UK ayaa joojisay taageeradii ay siin jirtay diyaarado qaada gargaarka bani’aadamnimo oo u kala gooshi jiray Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan.
Taasi waxay ka dhigan tahay in shirkaddii ugu dambeysay ee adeegsan jirtay diyaaraddan, oo ah shirkadda EnComm Aviation ee Kenya, ay khasab ku noqotay inay dhulka dhigto dhammaan diyaaradeheeda.
EnComm Aviation ayaa ku takhasustay gaarsiinta gargaarka bani’aadamnimo, waxaana mid ka mid ah heshiisyadeeda kamid ahaa inay Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP), kala shaqeyso inay gargaar gaarsiiso 12 goobood oo ku yaalla Soomaaliya.
newsinsideQaramada Midoobay ayaa sheegtay in 4.6 milyan oo qof oo Soomaaliyeed ay halis ugu jiraan macluul, halka 1.8 milyan oo caruur ah oo ka yar 5 sano ay la ildaran yihiin nafaqo-darro. Sida uu daabacay wargeyska The Guardian, heshiiska u dhexeeya EnComm iyo WFP ee Soomaaliya, oo la qorsheeyay inuu socdo ilaa Ogosto 2026, ayaa hadda la joojiyay.
Jackton Obuola, agaasimaha EnComm Aviation, ayaa yiri: “Gargaarka ay diyaaradahayadu gaarsiin jireen wuxuu ahaa xarig badbaado u ah dadka Koonfurta Suudaan, Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, xilli uu aduunka wajahayay qalalaase weyn.”
“Go’aanka lama filaanka ah ee BAE wuxuu sababay in dhulka la dhigo diyaaradaha oo dhan, taasoo jaraysa sahay muhiim ah oo ay ku tiirsanaayeen dadka ugu nugul. Dadka Bariga Afrika hadda waxay wajahayaan xaalad sii xumaanaysa, halka BAE ay dooratay inay mudnaanta siiso danahooda ganacsi.”
Diyaaradda ATP ayaa ahayd mid ku habboon gaarsiinta gargaar, maaddaama ay ka duuli karto garoomo yaryar oo ku badan meelaha fog, iyadoo sidda ilaa 8 tan oo cunto ah.
Intii u dhaxaysay Maarso 2023 ilaa Sebtembar 2025, EnComm ayaa gaarsiisay 18,677 tan oo raashin gargaar ah dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan — iyadoo hal tan ay quudin karto ilaa 1,660 qof maalintii.
Qoraal ay qareennada EnComm u direen BAE ayaa lagu sheegay in go’aanka lagu joojiyay diyaaradaha lagu gaaray iyada oo aan wax talo ah laga galin ama ogeysiis rasmi ah la siin EnComm,” iyadoo shirkaddu horey u fahamsanayd in BAE ay ballanqaaday in taageerada diyaaradaha ATP ay socon doonto ugu yaraan shan sano kale.