10 ka mid ah kooxda Al-shabaab oo lagu dilay duuleedka degmada Xudur

 

Arbaco, October 22, 2025 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa Xalay fiidkii hore howlgal qorsheysnaa oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ka fuliyay duuleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Ciidamada ayaa howlgalka si gaar ah uga fuliyay meel qiyaas ahaan u jirta degmada ilaa 8 KM, halkaas oo la tilmaamay in kooxdu ka waday abaabulka weerar ay doonayeen iney geystaan gudaha magaalada Xudur.

newsinsideWar qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay ilaa 10 xubnood oo ka mid ah maleeshiyaadka Al-shabaab, kadib dagaal culus oo waqti koobnaa halkaas ku dhexmaray labada dhinac.

"Ciidanka Xoogga Dalka oo helay xogta cadawga oo ahayd dhaq-dhaqaaqa Khawaarijta ayaa si degdeg ah uga hortagay dhagartii ay maleeshiyaadku wadeen, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal kooban oo sababay khasaare culus oo soo gaaray kooxda, ciidamada ayaa dilay in ka badan 10 dhagarqabe" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda. 

Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Gaashaanle sare Maxamed Yariis ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howlgalka sidoo kale ciidamadu kusoo furteen hub kala duwan oo ay ka mid yihiin qoryaha nooca culus ee BKM ah iyo AK47.

Taliye Maxamed Yariis ayaa sidoo kale sheegay in howlgalkaani uu qeyb ka yahay dadaalada joogtada ah ee la doonayo in dalka looga ciribtiro maleeshiyaadka Al-shabaab, islamarkaana ciidanku ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.