Talaado, October 21, 2025 (HOL) - Guddida Nabadgelyada Gobolka Awdal ee Somaliland ayaa digniin u dirtay dadka isticmaala baraha bulshada iyo warbaahinta ee ku kaca falal iska horkeenaya bulshada gobolka Awdal.
Badhasaabka Gobolka Awdal, Muxumed Xasan Jaamac, oo warbaahinta u akhriyay go’aamada kasoo baxay guddida nabadgelyada, ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyin lagu xoojinayo amniga gobolka.
“Guddida nabadgelyada ee gobolku waxay shir laba cisho socday ku go’aamiyeen in la laba jibbaaro dadaallada lagu sugayo amniga gobolka, maadaama dalku cadow badan leeyahay, oo kasoo horjeeda halka uu marayo" ayuu yidhi Guddoomiye Muxumed.
newsinsideWuxuu sheegay in guddidu go’aan ku gaadhay in cid kasta oo ku kacda kicinta dadweynaha ama falal keeni kara iska horimaad beelaha wada deggan gobolka Awdal, laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan, islamarkaana aan la oggolaan doonin wax ka dhan ah nabadda.
Sidoo kale wuxuu si gaar ah digniin ugu diray dadka isticmaala baraha bulshada iyo wariyayaasha ka hawlgala gobolka, isaga oo sheegay in qof kasta oo lagu arko isagoo baahinaya warar bulshada isku diraya laga qaadi doono tallaabo sharci ah.
Salaadiinta iyo madax-dhaqameedka gobolka ayuu ka codsaday in aanay ku dadaalin sii daynta dadka lagu soo qabto dambiyada la xidhiidha burburinta nabadda gobolka, isaga oo sheegay in hore looga yeeli jiray in la damiinto eedaysanayaasha, balse hadda aan la aqbali doonin arrintaas.
Go’aamada guddida nabadgelyada gobolka ayaa daba socda qalalaase dhawaan ka dhacay magaalada Saylac iyo mudaharaadyo xigay oo ka dhacay magaalada Boorama, kadib markii beelaha wada deggan gobollada Awdal iyo Salal uu soo kala dhexgalay khilaaf salka ku haya cidda taariikh ahaan leh magaalada Saylac.
Sidoo kale xaaladdu waxay sii cakirantay kadib markii dhallinyaro dibadaha ka timid oo labada beelood ka kala socotay ay isku ballansadeen magaalada Saylac, taas oo sababtay in ciidamada amnigu soo farageliyaan, isla markaana dhallinyaro tiro badan la xidho.
Xaaladda magaalada Saylac ayaa maalmahan deggen, iyadoo beesha u badan gobolka Awdal ay diidan yihiin in magaalada Saylac lagu qabto xaflad lagu maamuusayo Xeer Ciise. Odayaasha kasoo horjeeda xeerkan ayaa ku dooday in uu ku qoran yahay waxyaabo kasoo horjeeda jiritaanka Somaliland iyo diinta Islaamka, hase yeeshee odayaasha dhinaca kale ayaa arrintaas beeniyay.