
Talaado, October 21, 2025 (HOL) - Ciidanka Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee
NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa Xalay howlgal qorshaysan ka
fuliyay deegaanka Kuukaayle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada
Maxaas ee gobolka Hiiraan.
War qoraal ah oo kaasoo Taliska
hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu beegsaday goobo ay
gabbaad ka dhiganayeen maleeshiyaadka Al-shabaab, islamarkaana lagu
dilay ilaa 7 xubnood.
Howlgalkan oo Xalay sadax jeer oo kala
duwan ka dhacay deegaanka Kuukaayle ayaa sidoo kale lagu burburiyay
gaadiid dagaall iyo teendhooyin ay maleeshiyaadkau ku
dhuumaaleysanayeen.
"Howlgalka oo dhacay seddax mar oo kala
duwan oo isla xalay ah, ayaa kan koowaad lagu beegsaday teendho ay
maleeshiyaad ku jireen, taas oo sababtay dhimashada seddax xubnood oo
Khawaarij ah, howlgalka labaad oo daqiiqado uun ka dambeeyay ayaa lagu
soo afjaray nolosha afar dhagarqabe oo kale, iyada oo ugu dambeyna
beegsiga seddaxaad lagu gubay gaadiid dagaal oo ay Khawaarijtu halkaas
ku diyaariyeen si ay ugu qaadaan Maleeshiyaadka ay abaabulayeen" ayaa
lagu yiri qoraalka kasoo baxay NISA.
NISA waxay qoralkeeda ku
sheegtay in howlgalka uu ahaa mid ku yimid xogo sirdoon oo lagu ogaaday
in dhaqdhaqaaqyo halkaasi ka wadeen kooxda Al-shabaab, islamarkaana
ciidamadu ay ka hortageen dhaqdhaqaaqyadooda, lana soo afjaray
abaabulkii ay wadeen.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka NISA oo dhameystiran:-