Talaado, October 21, 2025 (HOL) - Dowladda Mozambique ayaa shaacisay in dad lagu tuhunsan yahay weerarrada argagixiso ee ka dhacay gobolka Cabo Delgado muddo siddeed sano ah ay ku jiraan qaar ka yimid dalka Soomaaliya.
Mozambique ayaa sheegtay in ay furtay 918 dacwadood, iyadoo 724 qof lagu eedeeyay ka qaybgalka weerarrada. Dadkaasi waxaa ka mid ah 105 shisheeye, kuwaas oo u badan muwaadiniin ka yimid Soomaaliya, Tanzania, Burundi, Malawi, Kenya iyo Koonfur Afrika.
newsinsideIlaa hadda, 462 qof ayaa lagu helay dambiyo laguna xukumay xabsi u dhexeeya 2 ilaa 30 sano.
Gobolka Cabo Delgado ayaa muddo siddeed sano ah la kulmayay weerarro argagixiso, iyadoo tirada dhimashada ay gaartay 6,257 qof, sida ay ururka ACLED u sheegay, ku dhowaad 2,631 oo ka mid ahna yihiin rayid.
Dagaalada iyo weerarrada ayaa sababay barakaca in ka badan 93,000 qof oo u guuray gobollada kale, sida Balama, Mocímboa da Praia, Montepuez, Chiúre iyo Memba.
Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaantay in weerarrada ay wadaan kooxo xiriir la leh ururka Daacish, taas oo kor u qaadaysa xasilooni-darrada gobolka. Dowladda Mozambique waxay sheegtay inay weli dadaal ugu jirto sugidda amniga iyo ilaalinta dadka iyo hantidooda.
Dowladda Mozambique iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa wadaan dadaallo lagu taageerayo dadka barakacay, iyadoo la raadinayo xalka lagu soo celinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.