Isniin, October 20, 2025 (HOL) - Madaxweynahii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Raysal wasaarahii hore Xasan Cali Kheyre ayaa si adag u cambaareeyay xiriga Xalay loogu geystay gudaha magaalada Muqdisho Zamzam Cumar Cali oo la tilmaamay iney ka mid aheyd dadkii dhawaan laga barakiyay xaafadda Siinaay ee degmada Warta Nabadda.
Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xalay haweeneydaan kasoo kaxeeyay hoygeeda, taasoo maalmahii lasoo dhaafay eedeymo culus u jeedineysay dowladda Fedaraalka Soomaaliya.
Haweeneydaan ayaa dhawaan kasoo muuqatay kulamo dadweyne oo ay soo abaabuleen xubnaha mucaaradka, halkaas oo ay ka sheegtay in dhibaato loo geystay iyada iyo qoyskeeda.
Xariga haweeneydaan waxaa sacaado kadib si adag ugu dhaliilay dowladda xubnaha mucaaradka ah oo qoraalo kala duwan kasoo saaray xariga haweeneydan.
newsinsideMadaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal uu kasoo saaray xariga haweeneydan ku tilmaamay afduub, isagoo sheegay inuu sii kordhayo tacaddiga ka socda magaalada Muqdisho oo ay dowladdu kula kaceyso dadka shacabka ah.
“Waxaan si adag u cambaareynayaa xariga iyo tacadiyadda sii kordhaya ee ka socda Magaaladda Muqdisho gaar ahaan dhacdada ugu dambeysay ee caawa gurigeeda loogala baxay Samsam Cumar Cali oo ka mid ah dumarka suuqa Siinaay, wuxuuna afduubkaasi hoosta ka xariiqayaa sida madaxda dowladda Federaalka ah ay ugu tumanayaan sharciga iyo nidaamka dowliga ah” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale xusay in falkaan foosha uu ku soo aadayo, iyadoo ay ciidanka Booliska sii wadaan barakicinta bulshada ku nool magaalada Caasimadda ah, islamarkaana la isugu darayo xarig iyo barakicin.
Dhinaca kale Raysal wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre ayaa isna soo saaray qoraal uu ku cambaareynayo xariga ZamzamCumarCali, wuxuuna ugu baaqay dowladda iney si deg deg ah kusii dayso Zamzam Cumar Cali.
“Waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo hooyo Zamzam Cumar Cali oo duruufo adag ku korinaysa carruur agoon ah, kana joogsado xarigga hooyooyinka, barakicinta danyarta, iyo boobka dhulka dantaguud oo cuuryaaminaya horumarka dalka, dadka, iyo dowladnimada Soomaaliyeed” ayuu yiri Xasan Cali Khayre.