Soomaaliya oo Qaahira uga qeyb gashay Shirweynhaa 8-aad ee Todobaadka Biyaha ee Qaahira (2025)

 

Sabti, October 18, 2025 (HOL) - Wasiiru dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Faarax iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta magaalada Qaahira ee dalka Masar uga qeyb galay Shirweynhaa 8-aad ee Todobaadka Biyaha ee Qaahira (2025).

Shirweynahan oo sanad kasta mar la qabto ayaa ahaa mid diirada lagu saarayay sanadkan xalalka hal abuurka leh ee adkeysiga Cimilada iyo Joogteynta Biyaha.

newsinside"Shirweynaha Todobaadka Biyaha ee Qaahira ayaa ah madal cilmiyeed oo hormuud u ah isu keenista saraakiisha, khubarada, iyo masuuliyiinta sar-sare ee dalalka carabta iyo adduunka ba si ay isku dhaafsadaan aragtiyada iyo waaya-aragnimada kuwaas oo kor loogu qaadayo iskaashiga si loo gaaro amniga iyo sugnaanta biyaha caalamiga ah iyo yoolasha horumarka waara" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya

Wasiir Maxamed Cabdullaahi iyo khubarada iyo wafdigaiisa ayaa ka qayb galay kulamada guud ee shirka iyo sidoo kale kulamada heer farsamo iyo heer wasiir ee Kulan waynaha Wasiirada Biyaha iyo Beeraha ee Wadamada Jaamacadda Carabta.

Kulamada waxaa sidoo kale inta badan xoogga lagu saaray maareynta biyaha, iskaashiga caalamiga ah ee kheyraadka la wadaago iyo la qabsiga isbeddelka cimilada.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo wafdigiisa ayaa kulanka kusoo bandhignay  horumarka iyo yoolasha la gaadhay arimaha hortabinta u leh horumarinta kaabayaasha biyaha, arrimaha beeraha, waraabka iyo maareynta biyaha ee Soomaaliya iyo guud ahaan dalalka carabta.