Sabti, October 18, 2025 (HOL) - Komishanka Xuquuqda Aadanaha Somaliland ayaa si adag u cambaareeyay muuqaal ay warbaahinta maxalliga ahi faafisay 2-dii October 2025, kaas oo lagu sheegay in saddex shaqaale oo ka tirsanaa Dawladda Hoose ee Hargeysa (DHH) lagu eedeeyay dambiyo culus, iyada oo aan la marin hab-raac sharci ah.
Komishanka ayaa ku tilmaamay tallaabadaas mid dhaawacaysa xuquuqda muwaadiniinta, isagoo ku eedeeyay DHH in shaqaalahaasi aan dambigooda lagu caddeynin maxkamad, islamarkaana lagu xad-gudbay karaamadooda iyo sumcaddooda.
“Qofna laguma sheegi karo danbile, xukun maxkamadeed ka hor,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka Komishanka, kaas oo xusay in Dastuurka Somaliland, Qodobkiisa 26-aad farqaddiisa 3-aad uu dammaanad qaaday in “qof kasta dambi laawe yahay ilaa uu dhaco xukun maxkamadeed.”
newsinsideKomishanku waxa uu sheegay in xoghayaha fulinta ee DHH iyo xubno kale oo la hadlay warbaahinta ay “ku kaceen fal xad-gudub ah oo lid ku ah xuquuqda aadanaha, sumcad-dilna ku ah muwaadiniintaas.”
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Komishanku sameeyay baadhis iyo qiimayn rasmi ah oo dhacdada ku saabsan, taas oo uu ku ogaaday in si cad loogu gefay xuquuqda saddexda muwaadin oo shaqada laga eryay, iyada oo warbaahinta loo sheegay in ay yihiin danbiileyaal “iyadoo aan jirin xukun maxkamadeed oo ku caddaynaya dambiga lagu eedeeyay.”
Komishanku waxa uu sidoo kale muujiyay walaac ku saabsan in maamulka DHH uu “ka baxay anshaxa iyo xeerarka, wuxuuna ku eedeeyay in uu ku dhaqmay ficil aan waafaqsanayn masuuliyadda uu hayo.”
War-saxaafadeedka ayaa lagu yidhi: “Komishanku wuxuu si adag u cambaareynayaa falkaas oo xad-gudub iyo meel ka dhac ku ah xuquuqda muwaadiniinta, maadaama aanu soo bandhigin xukun maxkamadeed oo ku cad oo uu u cuskaday hadalkiisa.”
Sidoo kale, Komishanku waxa uu ku baaqay in sumcadda iyo sharafta muwaadiniinta aan la dhaawici karin, isagoo hoosta ka xariiqay in aan qofna dambiile lagu sheegi karin ka hor inta aan maxkamad ku caddayn dambigaas.
Ugu dambayn, Komishanku waxa uu ka digay in dhaqankan ku fido Somaliland, isagoo sheegay inuu “dhaawici karo sumcadda Somaliland iyo dhaqanka ilaalinta, ixtiraamka iyo tixgelinta xuquuqda aadanaha.” Waxa uu ugu baaqay hay’adaha xukuumiga ah iyo kuwa garsoorka in ay tallaabo sharci ah ka qaadaan masuulka ku kacay eedeymahaas, si looga hortago in dhacdooyin noocan oo kale ahi soo noqdaan.
Xoghayaha Dowladda Hoose ee Hargeysa, Siciid Nuur Jaamac, oo hareer fadhiya guddiga anshaxa dowladda hoose, ayaa ku eedeeyay 6 ka mid ah shaqaalaha la eryay inay ku kacaan tuugnimo, musuq-maasuq, iyo xil-gudasho la’aan, isla markaana laga eryay shaqadooda.