Sabti, October 18, 2025 (HOL) - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Yuusuf Maxamed, ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Shaqada iyo Amniga Bulshada ee Jamhuuriyadda Turkiga, Prof. Dr. Vedat Işıkhan, iyadoo uu kulanku ka dhacay magaalada Doha ee dalka Qatar.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dhameystirka iyo dhaqan-gelinta heshiis iskaashi oo horey ay labada wasaaradood uga gaareen horumarinta shaqo-abuurka, fursadaha shaqo, iyo kobcinta xirfadaha shaqaalaha Soomaaliyeed.
newsinsideHeshiiskaas oo ay Golaha Wasiirada Soomaaliya ansixiyeen bishii Luulyo ee sannadkan 2025, ayaa ah mid lagu doonayo in lagu taageero dadaallada Soomaaliya ku horumarineyso suuqeeda shaqada iyo adeegyada arrimaha bulshada.
Labada wasiir ayaa sidoo kale isla gartay in la bilaabo barnaamijyo tababar oo gaar ah, kuwaas oo loo qorsheeyay in lagu kobciyo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka howlgala Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Tababaradan ayaa la filayaa inay ka faa’iideystaan khibradda ballaaran ee Turkiga uu u leeyahay arrimaha shaqada iyo horumarinta bulshada, iyadoo la rajeynayo inay sare u qaadi doonaan tayada shaqaalaha iyo hufnaanta adeegyada bulshada ee Soomaaliya.
Wasiir Yuusuf Maxamed ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Turkiga soo dhoweynta diirran iyo taageerada joogtada ah ee dowladda Turkiga ay siineyso Soomaaliya.