Jimco, October 17, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasarada Maaliyadda Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 26-aad ee Wasiirada Maaliyadda Madasha Iskaashiga dalalka Geeska Afrika, kaasoo ka qabsoomay magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka.
newsinsideKulanlnkan uu shir guddoomiyey Wasiirka Maaliyada Soomaaliya ayaa imaanaya, iyadoo Magaalada Washington DC uu ka soconayo shirka sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka,.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii dalalka geeska afrika ay isaga kaashan lahaayeen horumarinta is dhexgalka adeegyada muhiimka u ah bulshada deegaanada ku teedaan xuduudaha iyo dhul xeebeedyada dalalka geeska Afrika, iyadoo la xoojinayo mashaariicda maalgalineed ee mudnaanta gaarka ah leh.
Wasiir Biixi Imaan Cige ayaa furitaankii kulan ka jeediyay khudbad koobaan oo uu kaga hadlaayay ahmiyadda ay lee dahay in ay si gaar ah isku kaashadaan dalalka geeska, islamarkaana la tixgaliyo qorsheyaasha u baahan maalgalinta.
Shirkaan uu maanta guddoomiyay Wasiirka Maaliyada Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay si weyn uga soo dhex muuqaneysay shirarka caalamiga iyo fagaarayaasha caalamka.