Jacob Frey oo markiisii saddexaad ku guuleystay Duqa Minneapolis

 

Arbaco, November 5, 2025 (HOL) - Jacob Frey ayaa si rasmi ah mar kale loo doortay duqa magaalada Minneapolis, isaga oo ka adkaaday senatarka gobolka minnesota, Omar Fateh kaddib laba wareeg oo tirinta codadka kala sarreynta ah oo la qabtay.

Sida uu sheegay xafiiska Doorashooyinka & Adeegyada Cod-bixiyayaasha ee Minneapolis, Frey ayaa wareegii ugu dambeeyay helay 73,723 cod (50.03%), halka Fateh uu helay 65,377 cod (44.37%).

Cod-bixiyayaashu waxaa loo oggolaaday inay kala doortaan ilaa saddex musharax oo kala darajo ah.

newsinsideFrey ayaa hoggaaminayay tirada codadka darajada koowaad isagoo helay 61,444 cod, halka Fateh uu helay 46,614, iyo DeWayne Davis oo helay 20,414.

14 musharax oo kale ayaa laga saaray wareegyada hore.

Wadar ahaan 147,356 cod ayaa la dhiibtay tartanka duqa magaalada, waxaana loo baahnaa 73,679 cod si toos ah loogu guuleysto.

Dhinaca kale, Senator Cumar Faatix ayaa ka hadlay natiijadii doorashada looga guulaystay, isagoo sheegay in aysan ahayn natiijadii uu rajaynayay, balse wuxuu si weyn ugu mahadceliyay dhammaan taageerayaashiisa ka qeyb qaatay ololahiisa doorashada.

Fateh ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ku yiri: “Inkastoo natiijadu aysan ahayn tii aan rabnay, haddana aad iyo aad ayaan ugu mahadcelinayaa qof kasta oo taageeray ololaha aan ka bilownay bulshada hoose. Waan sii wadaynaa halganka, si aan u dhisno magaalada aan istaahilno.

Si kastaba ha ahaatee Jocob Frey, oo haatan loo doortay markii  saddexaad duqa magaalada Minneapolis, ayaa ku soo baxay 50% codadka ka dib markii la isku daray codadkii doorashada wareegga koowaad iyo kan labaad.