
Axad, November 30, 2025 (HOL) - Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u bilowday dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Idris Maxamed Sheekh (Abuu Cabbaas), oo ah sarkaal sare oo kamid ahaa kooxda Al-Shabaab tan iyo sannadkii 2009, isla markaana hayay jagooyin culus oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Shabeellaha Dhexe iyo guddoomiyeyaasha degmooyin badan oo maamulka kooxda hoos yimaada.
Abuu Cabbaas ayaa la qabtay bishii Agoosto 2024, xilli uu isku dayayay inuu dib ugu laabto gobolka Bay, Dacwad-oogayaashu waxay ku eedeeyeen inuu xiriir dhow iyo howlo wada-shaqeyn ah la lahaa amiirka Al-Shabaab Abu Cubeyda, sida ay ku sheegeen cadeeymaha ay ninkaan ka hayaan.
Inta lagu guda jiray fadhiga maxkamadda, eedeysanaha ayaa si cad u qirtay inuu kooxda ka tirsanaa muddo ka badan 15 sano, balse wuxuu ku dooday inuusan wax shaqo ah u qaban kooxda seddexdii sano ee ugu dambeeyay.
Qareennadiisa ayaa racfaan ka dhiibtay eedaha culus, iyaga oo codsaday in lagu daro barnaamijka dhaqan-celinta, maadaama uu sheegay inuu ka baxay fikirkii iyo ficilladii kooxda.
Dhageysiga dacwadda ayaa sidoo kale soo bandhigay hadallo uu Abu Cabbaas maxkamadda ka sheegay, kuwaas oo bulshada xiiso geliyay.
Wuxuu sheegay inuusan marnaba rumeysneyn in isagoo nool loo keeni doono maxkamad, isagoo hoosta ka xariiqay inuu filayay in goobtii lagu qabtay isla halkaas lagu dili doono.
Dacwad-oogayaasha Maxkamadda Ciidamada ayaa dhankooda dalbaday xukun dil ah, iyagoo ku eedeeyay Abuu Cabbaas inuu kaalin muuqata ku lahaa hawlgallo iyo qorshayaal ay kooxda fulisay muddadii uu xilalka u hayay.
Dhageysiga Kiiska ninkaan ee ka socota Maxkamada ayaa la filayaa inay sii socoto maalmaha soo socda si loosoo saaro xukunka rasmiga ah ee lagu qaadayo ninkaan.