Booliiska gobolka Banaadir oo ka shiray amniga guud ee magaalada Muqdisho


Khamiis, November 27, 2025 (HOL) - Taliyaha qeybta guud ee ciidanka Booliska gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin ayaa guddoomiyay kulan looga hadlay amniga guud ee Caasimadda iyo ka hortagista falalka lidka ku ah amniga.

Kulanka ayaa ugu horeyn waxaa warbixino la xariira xaalada amniga looga dhageystay saraakiisha ciidanka Booliiska, gaar ahaan falalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

newsinsideWaxaa sidoo kale kulanka looga arinsaday kulanka howlgalada looga hortagayo tuugada dhaca ka geysata qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Taliyaha Mahdi Cumar Muumin ayaa faray ciidamada Booliiska gobolka Banaadir iney dardar galiyaan amniga, islamarkaana ay ka hortagaan kooxaha dhaca iyo dhibaatada u geysta shacabka ku nool Muqdisho.

"Shirka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga, feejignaanta ciidamada, iyo ka hortagga falalka dhaawici kara sumcadda Booliska" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska qaybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir. 

Kulankan ayaa imaanaya, iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay shacabka ku nool degmooyinka gobolka Banaadir ay si weyn uga cabanayeen falalka la xariira dhaca Moobeelda oo ay u geysanayaan burcad hubeysan.