Talaado, November 25, 2025 (HOL) - Warbixin cusub oo uu daabacay Machadka Daraasaadka Ammaanka Qaranka ee Israa'iil (INSS) ayaa lagu sheegay in Somaliland ay leedahay muhiimad istiraatiji ah oo sare usii kacaysa, isla markaana Israa'iil ay ka faa’iidaysan karto xasilloonida iyo goobta juqraafiyeed ee ay ku taallo, balse aanay habboonayn in ay kaligeed si degdeg ah u aqoonsato.
Warbixinta ayaa xustay in Somaliland oo ku dhawaaqday in ay ka madaxbannaantahay Soomaaliya tan iyo 1991-kii ay dhistay nidaam dimoqraadi ah, doorashooyin xor ah, iyo hay’ado dowladeed oo deggan, taas oo ka dhigaysa mid ka duwan xaaladda cakiran ee Koonfurta Soomaaliya.
INSS waxay sheegtay in Somaliland ay tahay goob muhiim u ah ammaanka gobolka, maadaama ay ku dhawdahay dhulka ay gacanta ku hayaan Xuutiyiinta ee Yemen. "Tani waxay Somaliland u yeelaysaa qiimo ciidan iyo amni oo ay quwadaha waaweyn dan kaga yeelan karaan."
newsinsideSida ku cad warbixinta, Israa'iil waxay ka heli karta Somaliland fursad ay ku xoojiso kormeerkeeda Badda Cas, ka hortagga hanjabaadaha Xuutiyiinta, iyo istaraatijiyadda difaaca ee gobolka. Waxa la barbardhigay sida Azerbaijan uga caawiso Israa'iil la socodka dhaqdhaqaaqyada Iran.
Warbixintu waxay ku sheegtay in Somaliland ay dhowaan xoojisay xidhiidhka ay la leedahay dalal Reer Galbeedka saaxiib la ah sida Imaaraadka Carabta, Taiwan, iyo Maraykanka. "UAE ayaa maalgelin ballaadhan ku samaysay dekedda Berbera, halka Taiwan ay ku leedahay xafiis rasmi ah oo si joogto ah u taageera madax-bannaanida Somaliland" ayaa lagu yidhi warbixinta.
INSS ayaa tilmaantay in Maraykanku uu kordhiyey booqashooyinka saraakiisha sare iyo iskaashiga amniga ee Somaliland, balse weli uu ku adkeysanayo siyaasadda “Midnimada Soomaaliya,” taas oo wali muuninaysa in Washingtong anay badalin mawqifkeeda midnimada Soomaaliya.
Warbixinta ayaa si gaar ah u xustay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya ee 2024, kaas oo sare u qaaday doodda aqoonsiga, isla markaana ka cadhaysiiyay dowlada Soomaaliya, Masar, Qatar iyo Turkiga, kuwaas oo dhamaantood ka soo horjeeda madax-bannaanida Somaliland.
INSS waxay sheegtay in Somaliland ay muujisay rabitaan cad oo ah in ay xidhiidh la yeelato Israa'iil, isla markaana ay diyaar u tahay in ay ku biirto dalalka ku jira heshiiska "Abraham Accords" haddii loo oggolaado. Waxay inta ku dartay in dadweynaha Somaliland lagu tilmaamo kuwo aad u jecel reer Galbeedka, isla markaana neceb xagjirnimada.
Si kastaba, machadku wuxuu muujiyey walaac ah in aqoonsiga Somaliland ee Israa'iil uu saameyn ku yeelan karo xidhiidhka ay la leedahay dalalka Carabta ee awoodda badan, gaar ahaan Masar iyo Sacuudiga, kuwaas oo si buuxda uga soo horjeeda gooni isu-taagga Somaliland.
Sidaa darteed, INSS waxay ku talisay in Israa'iil ayna degdeg ugu dhawaaqin aqoonsi rasmi ah, balse ay bilowdo “iskaashi hoose oo aan rasmi ahayn,” kaas oo ku salaysan amniga, dhaqaalaha iyo xidhiidh dabacsan oo muddo dheer dhisi kara kalsooni labada dhinac ah.
Machadku wuxuu soo jeediyey in Israa'iil ay ku shaqeyso qaab la jaanqaadaya siyaasadda Imaaraadka iyo Maraykanka, si aanay u kicin xiisad cusub oo gobolka ka aloosanta. Waxa kale oo lagu boorriyay dowlada Israa'iil in ay furto xafiisyo wakiileed, lana aqbalo baasaboorka Somaliland.