Xubno ka tirsan Soomaalida Minnesota oo loo haystay inay lunsadeen malaayiin Dollar ah oo qeyb kamid ah loo diray Al-Shabaab

 

Khamiis, November 20, 2025 (HOL) - Warbixin ay soo saareen Ryan Thorpe iyo Christopher Rufo oo ah saxafiyiin wax baara, ayaa shaacisay in musuq-maasuqa ka jira barnaamijyada daryeelka bulshada ee gobolka Minnesota uu gaaray heer aad u sarreeya, iyadoo lacago malaayiin doolar ah oo laga xaday nidaamka Medicaid lagu sheegay in dib loogu diray Soomaaliya, halkaas oo qaar ka mid ah lacagtaasi lagu tuhunsan yahay inay ku dambeysay gacanta Al-Shabaab.

Barnaamijka Medicaid Housing Stabilization Services (HSS), oo la bilaabay sanadkii 2020 si loogu caawiyo dadka waayeelka ah, dadka naafada ah iyo dadka qaba dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda, ayaa markii hore lagu qiyaasay inuu ku kacayo $2.6 milyan sanadkii. Balse kharashka barnaamijkan ayaa si xad dhaaf ah kor ugu kacay, iyadoo sanadkii xigay lagu bixiyay in ka badan $21 milyan, halka lixdii bil ee ugu horreeyay 2025 kaliya lagu bixiyay $61 milyan.

newsinsideDowladda Minnesota ayaa go’aansatay in barnaamijka la joojiyo 1-dii Agoosto, kaddib markii soo baxay tuhunno waaweyn oo ku saabsan sheegashooyin been abuur ah iyo shirkado si gaar ah loogu sameeyay in lagu lunsado lacagaha Medicaid. 

Bishii Sebtembar, ku-meelgaarka Duqa Xeer-ilaalinta Federaalka ee Minnesota Joe Thompson ayaa ku dhawaaqay dacwado lagu soo oogay siddeed qof oo lagu eedeeyay musuq-maasuqa HSS, kuwaasoo lix ka mid ahi yihiin xubno ka tirsan bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota.

Sida ay qoreen Thorpe iyo Rufo, ilo badan oo ka tirsan hay’adaha fulinta sharciga ayaa sheegay in lacago malaayiin doolar ah oo laga soo qaatay barnaamijyada daryeelka bulshada ay si joogto ah u galeen shabakad hawala ah, laguna soo wareejiyay Soomaaliya. Qaar ka mid ah lacagtan ayaa lagu sheegay inay gaartay Al-Shabaab, oo ah koox loogu yeero "argagixiso" oo ka hawlgasha Soomaaliya.

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in baaritaanno dheeraad ah ay socdaan, iyadoo saraakiisha federaalka ay sheegeen in eedeymahan aysan ahayn dhacdada kaliya, balse ay tani tahay bilowga baaritaanno ballaaran oo la xiriira musuq-maasuqa ka dhex jira nidaamka Medicaid ee Minnesota.

Dowladda gobolka ayaa dhankeeda sheegtay inay qaadday tallaabooyin lagu xoojinayo isla xisaabtanka, si looga hortago in lacago bulshada loogu talagalay ay gacmo khaldan ku dhacaan, iyadoo la filayo in baaritaannada iyo dacwadaha kale ay soo baxaan bilaha soo socda.